Madaxweynaha
oo Hambalyo u Diray Ciidanka Qaranka iyo Xaasaskooda, Sanad guurada
16-aad awgeed
Hargeysa (Timacade News)-Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale
Kaahin, waxa a uu Hambalyo u dirayaa dhamaan Ciidamada Qaranka ee
Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xaasaskoodaba, isaga oo ugu
hambalyeynaya Sanad Guuradii Lix iyo Tobnaad mar kii la
aasaasay Ciidamada Qaranka oo Maanta loogu dabaal dagaayo Dalka Bari
iyo Gal beedba.
Madaxweynuhu waxaa uu Hambalyadiisa ku yidhi "waxaan aad ugu
Hanweynahay ka alinta wax ku ool ka ah ee Ciidamada Qaranka ay
ka qaateen Sugida Nabad-gelyo iyo Xasiloonida ay Somaliland ku
Naaloonayso, iyada oo aan ka war hayno Xasilooni-dara da iyo
dagaalada ka Alloosan meelo badan oo ka mid ah Mandaqada aynu ku
Noolnah ay."
ALAA MAHAD LEH
AF-hayeenka Madaxtooyadda
Siciid Cadaani Mooge
|