Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamud



 


Washington-DC (TNN)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta Aqalka Ca d ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo booqasho ku jooga magaalada Washington.

Kulanka Obama iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa goob joog ka ahaa, ku xigeen ka la taliyaha amaanka ee Qaranka Mareykanka.

Mr. Obama ayaa kala hadlay Madaxweynaha Somalia waxa uu Aqalka Cad ugu yeeray guu laha siyaasadeed iyo kuwa Amni ee Somalia. Mr. Obama ayaa sheegay inuu aad ugu rajo weynyahay mustaqbalka Somalia oo soo hagaaga.

Kulanka labada madaxweyne ayaa waxa uu ka turjumayaa aqoonsiga dowladda Mareykank u ay maanta siisay dowladda Soomaaliya, iyo sida dowladda Mareykanka ay u daneyneyso taageerista Soomaaliya, oo dhibaato iyo dagaalo ku jirtay muddo ka badan 21 sanadood.

Source: VOA