Madaxweynaha la
doortay oo Waraysigii u horreeyay bixiyay ilaa intii Xilka
Madaxtinimada loo doortay

Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaa nyo), ayaa tan iyo markii uu ku guulaystay
doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii June markii u
horreysay tafaasiil ka bixiyey aragtida maamulkiisa cusub ee ku
wajahan ka midho-dhalinta himilooyinka siyaasadda arrimaha dibadda
ee Somaliland ku taamaysay 20-kii sannadood ee ay madaxbannaanida
haysatay.
Madaxweyne Siilaanyo oo aan weli si rasmi ah ula wareegin xafiiska
Madaxtooyada ee Somalil and looga taliyo, ayaa waraysi khaas
ah oo uu habbeeno hore gurigiisa magaalada Hargeysa kula yeeshay
weriyaha caanka ah ee wakaaladda wararka
Reuters u jooga Somaliland Xuse
en Cali Nuur, waxa uu si qoto-dheer ugaga hadlay arrimo kala
duwan oo ku saabsan mowqifka xukuumaddiisa cusub ee la xidhiidha
horumarinta dhaqaalaha dalka, xidhiidhka dibadda, gaar ahaan
waddamada deriska, la-dagaallanka argagixisada, maalgashiga dalka
iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Waraysigan oo ah kii ugu horreeyey oo Madaxweynaha la doortay si
faahfaahsan ugaga war ramay arrimo dhinacyo kala duwan
taabanaya oo ka baxsan siyaasadda gudaha Somaliland tan iyo intii
xisbigiisu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada, waxa uu isagoo
dhammaysti ran u dhacay sidan:
Reuters: Madaxweyne 20 sanno ka hor
magaalada Burco waxa lagaga dhawaaqay inay Soma liland gooni
isu taagto; xilligaas wax baad haabka ku haysay inay 20 sanno kadib
Somaliland noqon doonto, sidii aad filaysay ma noqotay mise may
noqon?
Madaxweyne Siilaanyo: Somaliland halgan
dheer oo naf, maal iyo wax walba loo huray ayey soo martay si ay u
xorowdo oo madaxbannaanideedii iyo xorriyaddeedii 1960-kii qaadatay
ula soo noqoto, tii Ilaahay wuu ku guuleeyey. Dabcan, himiladeedu
waxay ahayd oo aynu ku rajo waynayn in aynu waqti horeba helno
ictiraaf, in aynu horumar badan helno oo aynu ummad aha dunida
hiigsano oo heerarka hore nolosha iyo horumarka bulshadeennu ka galo.
Runta markaynu ka hadalno ictiraafkii weli maynu gaadhin oo inoomuu
hirgelin, horumar bad an oo xagga dhaqaalaha ee aynu u
baahnayna maynu gaadhin, laakiin Al-xamdullilaahi waxa inoo
hirgashay. Waxaynu ka tilmaamannahay Geeska Afrika oo dunidu innagu
hambalyeysay, waxaynu tilmaan ku yeelanay nabadgelyo, xasillooni iyo
degnaansho, maantana waxaynu ca alamka u caddaynay in aynu
nahay dal tashan kara oo dimuqraadiyad buuxd haysta oo dadkii
ajaanibka ahaa ee inoo yimi iyo dadweynaheennii oo aad u danaynayey
ay si wanaagsan oo uga soo baxeen doorashadii ayaa inoo hirgashay,
Ilaahay ayeynu uga mahadnaqaynaa, umm addana waan ku bogaadinayaa.
Waxa kale oo aan ka mahadnaqayaa doorashada ay i doorte en,
Ilaahayna waxaan ka baryayaa in xilkaa ummaddu i saartay inuu ila
qabto oo wixii shaca bka iyo dalku u baahnaa aan u fuliyo ay ii
suurtogalaan.
Reuters: Madaxweyne; si himilooyinkii
Somaliland lahayd 20 sanno ka hor loo gaadho tallaabo oyinka
ugu horreeya ee gudaha iyo dibadda aad ka qaban doontaa maxay noqon
doonaan?
Madaxweyne Siilaanyo: Horta
tallaabooyinkaas waxaannu in badan ku caddaynay barmaam
ujkayagii xisbi ahaan ee dhinacyada dalka horumarka, dhaqaalaha iyo
mashaariicda wax-u-qabadka, caddaaladda oo dadku u sinnaado oo
ummadda caddaalad baa deeqdee la gaadhsii yo, dhinacyada
bulshada, caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka oo aannu wax ka
qaba no, dekadaha iyo goobaha kaabayaasha dhaqaalaha ee noloshu ku
socoto in aannu dhisno. Waxaas oo dhan waannu ku talo jirnaa in aanu
sida ugu dhakhsaha badan u galno oo naftay ada, dadka iyo
Ilaahayba la kaashano, caalamkana wixii aannu ka heli karno ka
raadsano.
Reuters: Dab baa ka huraya dalalka
jaarka, gaar ahaan Soomaaliya oo welia qolooyin xagjir ah oo halkaa
joogaa Somaliland way u hanjabayaan. Haddaba, dabka hurayaa si aannu
inoo soo gaadhin qoladaasi siyaasadda lagula dhaqmi doonaa maxay
noqonaysaa?
Madaxweyne Siilaanyo: Horta wax badani
waxay ku xidhan yihiin oo aan anigu jecelahay inaan dadka reer
Somaliland ku hambalyeeyo waa bulshada Somaliland . Waynu ogayn oo
dhawr je er ayaa la isku dayey in la inagu soo duulo, waana la
innagu soo duulay oo waxa la qarxiyey ilaa madaxtooyadeena, xaruntii
Qaramada Midoobay iyo weliba safaaradihii dalkeenma joogay baa la
qarxiyey, haddana mar walba dadka reer Somaliland culimaa’udiinkiisa,
waayeelkiisa, dhallinyaradiisa, axsaabtiisa iyo shacabkiisa oo dhan
kuwii dawladda hayey iyo kuwii mucaar adka ahaaba waa la isku
duubnaa. Waxaan rajaynayaa Ilaahayna ka baryayaa in dadweyn u hu
sidii isugu duubnaado oo uu u ilaasho maslaxadda, xasilloonida iyo
deganaanshaha dalka. Waxaannu ugu baaqaynaa wixii dhibaato nagu soo
wada in ay dhibaatada naga daayaan, Ilaahayna inuu naga duwo ayaanu
ka baryeynaa. Waxa kale oo aannu ugu baaqaynaa dadyowga kale ee
waddamada jaarka nahay iyo inta nabadda jecelba in aannu hawlahaasi
ka wada shaqayno oo gacan nalaga siiyo, annaguna aannu iskaashi ka
yeelano.
Reuters: Soomaaliya siyaasadda aad kula
dhaqmi doontaan maxay noqonaysaa?
Madaxweyne Siilaanyo: Innagu dawlad
ahaan Somaliland waa taas maanta dariiqa cad qaad nay ee aynu
la soo noqonay madaxbannaanideennii. Dadka reer Somaliland iyo
dawladaheeda kala dambeeya iyo kuweeda mustaqbalka toona xumaan iyo
colaad uma hayaan walaalahooda reer Soomaaliya, dhibaatooyinka badan
ee haystana Ilaahay waxaannu uga baryeynaa inuu ka dulqaado.
Mowqifka caalamku ugu dadaalayo in xasillooni iyo deganaansho lagu
soo celiyo ayaanu annaguna ka mid nahay, weliba uga sii dhawnahay in
wixii aannu la qaban karno la qabano insha Allaahu, laakiin marnaba
mid baan suurtogalayn, in madaxbannaanida Somalila nd aannu
cid u dabafadhiisano ama cid u sadqayno oo gacanta u gelino waa mid
aan suurto galayn.
Reuters: Adiga oo ah dhaqaalayahan,
Madaxweynena ah maanta waxa dhaqaalaha dunidu ku kabmaa in wax la
iswaydaarsado, shayga ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka soo gala la
degayna waa qaadka, ma la hayaa barmaamuj kale oo wax lagaga beddeli
karo dalka Itoobiya ee qaadka laga keeno?
Madaxweyne Siilaanyo: Waa runtaa ee qaadku waa aafo ina
haysata taa shaki kuma jiro, waa wax bulshadeena aad u galay,
taariikhda intii aan garanayo ilaa intii wixii la odhan jiray
Soom aaliya ee Somaliland-na ku jirtay waxaan garanayaa in dhawr
jeer dawladdii millatariga ee Siyaad Barre is-tidhi la dagaalan,
kadibna wax suurtagal ah noqon wayday joojintiisii oo ay gaadhay in
ilaa ciidammadii qaranka iyo tignikadoodii loo adeegsado. Markaa wax
badani horta waxay ku xidhan yihiin bulshada oo la wacyegliyo, in
dhallinyarada laga duwo dhaqam ada qaarkood, in siyaasad
munaasib ah oo lagu joojiyo ama looga baydhi lahaa jaadka in la helo
waa laga maarmaan, laakiin iska joojin uun malaha maaha wax sidaa u
fudud.
Dhinaca dhaqaalaha waxa lagu beddelayo qaadka, horta xidhiidh
dhaqaale wuu ina dhexmar aa Itoobiya oo xoolaha aynu Berbera
ka dhoofinaa kama wada yimaaddaan Somaliland gudah eeda ee
waxay ka yimaaddaan ilaa Itoobiya, waxaanuna doonaynaa in dekedda
Berbera noqoto mid ay isticmaalaan oo innaguna uga faa’iidi lahayn,
iyaguna uga faa’iidi lahaayeen, iyadoo waddooyin ina xidhiidhiya iyo
ganacsiga oo aynu sii xoojiyo aannu ka shaqayno. Waxa kaloo
dalkeennu leeyahay milix, kalluun iyo waxyaabo badan oo kale,
kuwaasna waynu horum arinaynaa insha Allaahu sidii Itoobiya
loogu iib gayn lahaa.
Reuters: Waddanka waxa ku sugan qaxooti
fara badan oo iska soo galay, kuwaasoo aan diiwaangashayn oo muddo
kadib waxay noqon karaan muwaadiniin, siyaasadda dadkaasi aad ugu
talogasheen maxay tahay?
Madaxweyne Siilaanyo: Horta xuduudka dalku wuu iska furan
yahay, waayo xuduud aad u ballaadhan baynu leenahay. Dadka qaxootiga
ah; tusaale ahaan; kuwa Soomaaliya ka yimaad waa dad qaxooti ah oo
dhaqankeenna iyo siyaasadaheenna ilaa dawladihii kala dadambeeyey
kumay jirin in qof Soomaali ah laga joojiyo soo gelitaanka, xukunka
iyo xuquuqda uu leeyahay waa gooni, laakiin soo gelitaanka
nabadgelyo darteed in loo helo mooyee ka siyaasad ahaan qof ajaanib
ah lagama dhigayn, dad baayac-mushtar ah ayaa yimaada, qaar qaxoonti
ah ayaa yimaad.
Kuwa aan Soomaalida ahayn, waynu ognahay oo dad badan baa yimaada oo
intooda badani Itoobiya ka timaad, kuwaana siyaasadaha ku habboon
waynu dersi doonaa insha Allaahu.
Reuters: Waxa jir shirkado badan oo
shisheeye ah oo xeerkii ay dalka kaga shaqayn lahaay een aan
la ansixin, shirkadahaas iyaga ah maxaad ka leedihiin arrintooda?
Madaxweyne Siilaanyo: Horta waynu dhiirrigelinaynaa in
dalkeena la maalgashado oo la yima ado oo la aamino hadday
dalxiis tahay iyo haddii ay maalgashi tahayba aad baynu u
dhiiri gel inaynaa oo innaga ayaa u baahan, laakiin haddana
waxa loo baahan yahay in qaab iyo nidaam sharci ah loo sameeyo oo la
raaco, meeshii nidaamku ka maqan yahay nidaam baa loo sama yn,
kaas ayuun baa la odhan doonaa raaca oo lagu fulin doonaa.
Reuters:
Waxa jira dad badan oo
Somaliland u dhashay oo haddana jiritaankeeda
ka soo horj eeda, xeerarna hore uga yaalleen oo aan wax
tallaabo ah laga qaadin, dadkaas xeerkii u yaal lay ma lagu qaadi
doonaa?
Madaxweyne Siilaanyo:
Dadka Somaliland u dhashay ee haddana ka soo horjeeda, horta
fikra dooda ayey qabaan, laakiin wixii olole iyo ficillo ka
samaynaya ee Somaliland colaadeedda iyo la-dagaallankeeda wada
wixii sharciyo u yaal ee dalku dhigtay ayuun
baa la marin doonaa.
Source: Jamhuuriya
|