Madaxweynaha La
Doortay Oo Ciidamada Iyo Shacbiga Ugu Baaqay Inay Ka Feejignaadaan
Weerarada Argagixisada Dawlada Uganda-Na Tacsi U Diray

Hargeysa, July 14, 2010 (TNN) - Madaxweynaha la doortay ee
Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga
Somaliland iyo ciidama ammaanka ugu baaqay inay ka feejignaadaan
weerarada argagixiso. Waxa kale oo uu madaxweynuhu shacbiga iyo
dawlada Uganda ka tacsiyadeeyey weeraradii is qarxinta ahaa ee
ururka Al Shabaab ku qaadeen dad fara badan oo daawanayay ciyaartii
ugu dambeysay koobka aduunka, taasoo ilaa imika la xaqiijiyay inay
ku naf waayeen dad ku dhow 80 qof.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo aanu xalay khadka tilifoonka kula
xidhiidhnay ayaa sidoo k ale sheegay inuu aad uga xun yahay
dhimashada dadka aan waxba galabsan ee sida gaadm ada ah
argagixisadu ku laysay.
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
isagoo arr imahaasi ka hadlaya wuxu yidhi “ shacbiga reer
Uganda iyo dawladooda tacsi baan u diraya a, aad iyo aad baan
uga xumahay dhibaatada soo gaadhay, Ilaahay waxan uga baryayaa inuu
dadkii ay ka baxeen samir iyo iimaan ka siiyo, dad aan waxba ka
geysan in dhibaato loo geysto aad baan uga xumahay”.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu fariin u diray shacbiga iyo ciidamada
Somaliland “ ciidamada qalabka sida iyo shacbiga waxan leeyahay waad
arkaysaan waxa ka dhacaya mandaqada ee ah weeraro argagixiso, sidaa
darteed waxan idiinku baaqayaa inaad feejignaataan oo siddii
dhaqanka iyo caadada inoo ahayd xasiloonideena iyo wadajirkeena aad
ilaalisaan, ciidamada waxan aad ugu boorinayaa maadaama aynu xili
kala guur ku jiro inay si dheeraad ah u shaq eeyaan si
nabadgelyada loo xoojiyo” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey
madaxweynaha la doortay.
Dhanka kale xukuumadda talada wareejinaysa ayaa iyadu aan ka hadal
qaraxyadii ka dhacay caasimada dalka Uganda ee Kampala.
Source:Haatuf
|