Madaxweynaha Koonfurta
Suudaan oo warqad U soo diray Madaxweynaha Somaliland

Juba,Koonfur Sudan (TNN)- Waxaan mudane madaxweyne, ku faraxsanahay
in aan kugu wargeliyo in 9 July 2011 ay tahay maalin ta
ariikhi u ah dad ka Koonfurta Suudaan. Tan oo soo afjartay muddadii
ku-meel-gaadhka ahayd iy o heshiiskii isfamahka ahaa ee Suud aan
(CPA) ee Su udaan u riixay siyaasadda tixgelinta mudan. Waa maalin
uu dhalanayo dalkii 54aad ee xubinta ka noqda Midawga Af rika oo
calankiisa sare loogu taaggo si guul ah, kadib markii aannu ka soo
baxnay dagaalkii sokeeye ee ugu mudada dheeraa Afri ka, Koonfurta
Suuda ana waxay hadda gelaysaa waa cusub oo u baryey oo ah
nabadgelyo joogto ah, dimuqraadiyad iyo qaranimo mas uuliyadi ku
dheeha n tahay.
Sidaa darteed, aniga oo ku hadlaya magaca dadka iyo dawladda
Koonfurta Suudaan iyo weliba mag cayga gaarka ah, waxa farxad
ii ah in aan kaa codsado inaad mudane si qadarin leh shacabkayaga
ugala soo qaybgasho munaasibadan qiimaha leh. Shacbiga Koonfu rta
Suudaan waxay si qotodheer oo qadarin mudan mudane uga dhursugayaan
dedaalka aan kala go’a lahayn ee shacbiga iyo dawla dda Somaliland
ee suurtogeliyey inay timaado munaasibadda maalintani.
Fadlan, madaxweynihii walaalkay ahaayoow iga aqbal damaannada iyo
tixgelintayda ugu saraysa, waxaanan aad uga dhursuguyaa
joogitaankaaga muhiimka ah ee caasimadda wadanka Koonfurta ee Juba.”
Ayuu madaxweynaha Koonfurta Suudaan ku yidhi qoraal ka martiqaadka
ah ee uu u soo diray madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo).
|