WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: 7 September 2011
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobada 8aad, 22aad iyo 90aad ee dastuurka
Jamhuuriyada
Somaliland
Markuu Arkay: Talada Golaha Guurtida JSL, ee ku suntan Ref: GG/JSL/52/032011
kuna taariikhaysan 19/02/2011, ee nuxurkiisu yahay in guddi midaysan
oo ka kooban saddex da Gole (xukuumadda, wakiilada iyo Guurtida) loo
saaro arrinta xoojinta kaalinta haween ka iyo beelaha laga
tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda,
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo sugitaanka xuquuqda siyaasadeed
ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay,
Markuu Aqoonsaday: In ay haweenku yihiin hal-bawlaha bulshada iyo
muhiimada ay u
leeyihiin horu-marinta qaranka.
Wuxuu go’aansaday Madaxweynuhu
In uu Magacaabo Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta haweenka iyo
beelaha laga tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda, Gudidaas
oo ka kooban 9 xubnood, oo kala ah:
Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka
Cabdirisaaq Khaliif Axmed Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha
&
Dalkxiiska
Cali Cabdi Saa’iq Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, G &
Gaadiidka
Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Dheere)
Xil. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
Xil. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax
Xil. Muxumed Aw Axmed X. Aadan
Amaal Axmed Miisaan, La Taliyaha Madaxweyne ee Arrimaha Haweenka
Axmed Muxumed Madar, Gudoomiyaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-Maasuqa
iyo Ilaalinta Dawlad Wanaaga
Hadaba, marka aad deristaan ka dib waxan idiinka rajaynaya in aad ii
soo gudbisaan tala dhaxal-gal ah oo Golayaasha Qaranku ku go’aan
qaadan karaan, iyadoo la waafajin doono shuruucda dalka.
Waxaan jecelahay in aad kusoo dhamaysaan muddo 3 toddobaad.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|