War saxaafadeed


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland.

Madaxweynuhu, markuu tix raacay qodobka 90-aad, faqradiisa 3-aad ee dastuurka JSL, markuu tix geliyay Ahmiyada weyn ee ay Wasaarada Gaashaandhigu u leedahay dalka iyo dhismaha Qaranka, isla markaana aqoonsaday baahida weyn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan, waxa uu u magacaabay Mudane in Cabdikariim Xaashi Cilmi uu ahaado Agaasimaha guud ee Wasaarada Gaashaandhiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.


 

 


Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenka Madaxtooyada