Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Maanta dhaqan geliyey xeerka Adeegga Naafada ee Dhismayaasha

 



markuu Garwaaqsaday: In dadka naafada ahi caqabado kala kulmaan xarumaha Caafimaadka, Dugsiyada. Cibaadada, Goobaha Biyaha iyo Goobaha lagu shaqeeyo iyo dhammaan meel kasta ..........

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo Sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2232/012014 uu ku dhaqan geliyey xeerka Adeegga Naafada ee Dhismayaasha.


Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland
Markuu Arkay: Qodobka 19aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland
Markuu makuu Ar kay: In deegaanka ku xeeran dadka naafada ah u saamaxaynin in ay awood u yeeshaan in ay hawlahooda u gudan karaan si madax bannaan,
M markuu Garwaaqsaday: In dadka naafada ahi caqabado kala kulmaan
xarumaha Caafimaadka, Dugsiyada. Cibaadada,
Goobaha Biyaha iyo Goobaha lagu shaqeeyo iyo
dhammaan meel kasta oo dadku isugu yimaado oo uu
ka helo adeeg dawladeed ama mid gaar loo leeyahay,
Markuu Arkay: Xilka Xukuumadda ka saaran sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha, isla markaana loo fududayn lahaa,

Wuxuu soo saaray:


Qodobka (1)aad

Dhismaha Xarumaha Hay’adaha Dawladdu leedahay ama gaarka loo leeyahay
1. In dhammaan xarumaha loo dhiso ama loo dhisayo Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada dadweynaha noocay doonaanba ha noqdaane, Goobaha dadweynuhu ku kulmo ee cibaado, dhaqan, bulsho, ama madadaalo; laga bilaabo marka xeerkani dhaqan galo loo dhiso hab ama hannaan u fududayn kara in dadka naafada ahi joog ahaan iyo sal ahaanba u geli karaan ama u gaadhi karaan.
2. In dhammaan xarumaha Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ee bixiya adeegga iyo goobaha laysugu yimaado ay ugu talo-galaan meelo la dhigo gaadiidka curyaaminta (Parking)


Qodonka (2)aad

Fulinta xeerka
Fullinta xeerkan waxa u xilsaaran, isla markaana iska kaashanaya wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Dawladaha hoose ee Degmooyinka Dalka.
Qodobka (3)aad
Dhaqangalka xeerka iyo Dabaqaadiisa
Xeerkani waxa uu dhaqan-gelayaa laga bilaabo taariikhda ku suntan xeerkan ee madaxweynuhu saxeexay.



ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.