Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Muse Biixi Cabdi,oo shacabka ku
hambalyeeyey curashada bisha barakaysan ee Ramadaan

Hargeysa (TNN) : -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse
Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba iyo
guud ahaan shucuubta Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha
barakaysan ee Ramadaan oo caawa kaw ah.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ummadda Islaamka iyo shacabka
reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo
xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u
rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan bishan bisheeda,
Ilaahayna waxa uu ka baryayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka
saameeyey iyo abaaraha soo noq-noqday, ummadda reer Somaliland iyo
dalalka Isla amka ahna waxa uu alle uga baryayaa inuu bash-bash iyo
barwaaqo ku gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa, Allena wuxuu uga
baryayaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo aakhiro san inuu inagu simo,
wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul qaado.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula
dardaarmay inay ka faa’iidaystaan kha yrka bishan barakaysan ee
Ramadaan, kuna dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo
dhexdo oda ay gasho cafis, iyo is-jacayl, isagoo ku adkeeyay inay
qaataan amarada guddida heer qaran ee u diya ar garawga iyo ka-hor-tagga
xanuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka.
Ugu danbayntii waxa uu madaxweynuhu u ducaynayaa inta bukta ee u
jiifta xanuunada inuu eebbe ka dulq aado, intii dhimatay ee aan soo
gaadhin bishan barakaysana u danbi dhaafo, una naxariisto. Waxaanu
mad axweynuhu rabbi uga rajaynayaa shacabka Jamhuuriyada Somaliland
inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
|