Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Max amed Silaanyo waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan mujaahidiintii SNM

 



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan mujaahidiintii SNM munaasibada 17-October 2013 awgeed oo ah maalin ta loo asteeyey xuska mujaahidka SNM.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu bogaadintaasi maalinta mujaahidka uu ku xusay in maalmihii adkaa ee soo wajahay halgamayaashii SNM oo ay kumanaan qof ku dhinteen, kumanaan kalena ay ku naafoobeen ay natiijadeedii noqotay in ay dhabawday ujeedadii halgankaasi loo soo maray, maantana ay shacabka reer Somaliland ku naaloonayaan midhihii halgankaasi oo ay yihiin qaran xor ah oo u taagan difaacooda, sharaftooda iyo jiritaanka qarankeena.

Waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, uu illaahay uga baryayaa mujaahidiintii ku naf waayay halgankii, in illaahay naxariistii jano ka waraabiyo intii ku naafawday iyo agoontii ay ka tageen mujaahidiintii qarankan u naf waayey in uu illaahay nolosha u sakhiro.

Xukuumada Somaliland-na ay diyaar u tahay intii awoodi noqoto in mujaahidiintaasi nool iyo agoomihii ay mujaahidiintu ka tageen ay gacan siiso.WA-BILAAHI TAWFIIQ.”

 

 

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland