Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Iyo Wafdigiisii Uu Hogaaminayey Oo Soo Gaadhay Magaalada London

 



Waxaana qolka marti sharafta ku soo dhaweeyay safiirka Somaliland u fadhiya Boqortooyada Ingi riiska ,Mudane Cali Aadan Cawaale...... Daawo Sawirrada

London (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa saaka ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Heathrow Airport ee magaaladda London.

Waxaana qolka marti sharafta ku soo dhaweeyay safiirka Somaliland u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska Md Cali Aadan Cawaale, xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynahay Cali Axmed Cali, Maareeyaha Telefiishanka qaranka Khadar Xasan Cali Gaas iyo Gudoomiyaha telefiishanka ee Yurub Cabdi Bacow.

Weftiga madaxweynaha oo ka koobnaa Marwada Koowaad ee qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Xersi Xaaji Cali Xasan, ayaa ka soo laabtay dalka Maraykanka, halkaasi oo ay kulamo kale duwan kula soo yeesheen muddadii ay ku sugnaayeen masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaarada gaashaandhiga (Pentagon), wasaarada arrimaha dibadda,baarlamaanka Maraykanka iyo shirkado dhinaca maalgashiga ah.

Sida oo kale weftigu waxay maalintii Sabtidii kulan balaadhan la yeesheen jaalliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka maraykanka Magaalada Washington, iyagoo uga xog waramay xaalada guud ee dalka iyo waxyaabihii uga qabsoomay kullamadii ay masuulyiinta Maraykanka layeesheen muddadii ay ku joogeen dalkaasi.

Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa dadku ka kale yimaadeen meelo aad u kale durugsan oo ilaa gobolada fog-fog ee Koonfurta Maraykanka iyo dalka Kanada ah, qaarkood in ka badan 12 saacadood soo kaxaysteen gawaadhi.

Dhinaca kalena waxa madaxweynuhu intii uuu ku sugnaa qolka marti sharafta ee Heathrow airport salaam sharaf ugu yimid raysal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, oo VIP ku sugnaa isna.

 



Timacade News Desk
London ,United Kingdom