Madaxweynaha Jabuuti Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland




Jabuuti (TNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ma anta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo laba dii maalmood ee u ku socdaal shaqo ku jooga dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa kulankaas ka dib saxaafadda uga waramay qodo ba dii ay ka wada hadleen Madaxweyne Geelle, waxaanu tilmaamay in ay si wada jir ah u fa aqidee n sidii loo sii xoojin lahaa wax-wada qabsiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soma liland iyo Jabuuti.

“Waxaanu nahay laba dal oo wada dhashay oo isku mida waxay ahayd markii u horaysay ee aan la kulmo madaxweynaha Jabuuti . Waana madxweynaha iyo dawlada Jabuuti si qiimo leh ayay ii soo dhaweeyeen aad iyo aad waxaan ugu mahadnaqayaa sidaa ay ii soo dhaweeyee n, ,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

Wasiirku waxa uu tilmaamay inay ka wada hadleen Madaxweynaha Jabuuti sidii labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti wax u wada qabsan lahaayeen, waxana uu yidhi “Waxyaabaha aan ka wada hadalnay waxyaabo ka dhexeeya labada wadan ee jaarka ah ee walaalaha ahi. Sidii aan iskaga kaashan lahayd dhinacyada dhaqaalaha iyo xaga Nabad-gelyadda. Waxaana ka wada hadalnay sidii cilaaqaadka aanu leenahay u sii xoojin lahayn.”

Sidoo kale waxa uu kulan la yeeshay Wasiirka Khaarajiga Somaliland Raysal wasaaraha Jam huuriyada Jabuuti Md. C/qaadir Kaamil Maxamed waxaanay isla soo qaadeen cilaaqaadka iyo walaaltinimada ka dhaxaysa labada shacab ee Jabuuti iyo Somaliland.Wasiirku waxa kale oo uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirrada Jamhuuriyada Jabuuti ee Arrimaha dibada, shaqada iyo shaqaalaha iyo Maaliyada.

Kulankan waxa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha dibadda Som aliland Maxamed Xasan Siciid iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Jabuuti.
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland