Madaxweynaha iyo Labada Gudoomiye ee KULMIYE
iyo UCID oo kulmay

Hargeysa (Longlivesomaliland
News)-Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Ray aale Kaahin iyo
Gudoomiyayaasha Axsaabta mucaaridka oo maanta oo Axad ah bishuna
tahay 04/10/09 fadhi gaar ah ku yeesh ay xarunta madaxtooya
dda.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayaasha labada xisbi
Mucaarid Kulmiye Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
iyo UCID, Mudane, Faysal Cali Waraabe, waxa maanta fadhigoodaasi ay
kaga wada hadleen sidii loo sii amba qaadi lahaa fulinta iyo ku
dhaqanka lixdii qodob ee dhawaanta ay qalinka ku duugeen saddexda
xisbi qaran, kuwaasi oo ujeedadoodu ahayd in la soo afjaro
khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka taagnaa.
Kulankaasi saddex geesoodka ah ee madaxda saddexda xisbi qaran ay
madax tooyadda ku yeesheen, waxa ay ku heshiiyeen in la dar-dar
galiyo heshiisya ddii ay dhawaanta kala saxeexdeen si toos
ahna wada shaqayn iyo wada tas hi ay had iyo jeer u yeeshaan
si dalka ay uga qabsoomaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah.
Shirkaasi oo qaatay mudo 40 minit ah waxa ay ku heshiiyeen,
Madaxweynaha iyo Gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarid in had iyo
goor ay wada tashi jo ogta ah yeeshaan, waxana shirkaasi uu ku
dhmaaaday is afgarad iyo jawi fiic an.
Allaa Mahad Leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenak madaxtooyadda JSL
|