Madaxweynaha iyo Hogaanka Komishanka Qaranka isku dan ayey noqdeen

Hadaba markii hayada Interpeace soo afjartay diiwan gelintii, kuna guuleystay inay soo saarto, liiskii diiwan gelinta cod-bixiyayaasha gobolada Somaliland oo dhamays tiran.....

Dahir Riyaale marnaba kumuu talo gelin inuu qabto doorasho ama doorasho xalaal ah.


Markii hore wuxuu sababo mudada luugu kordhiyo ka dhigtay, inaanay diiwan gelinti weli la dhamaystirin, ay jiraan arrimo farsamo oo xagga diiwan gelinta ah. Doorashadan aan la geli karin diiwaan la'aan, taas oo ummada caalamku inaga doonayso.

Hadaba markii hayada Interpeace soo afjartay diiwan gelintii, kuna guuleystay inay soo saarto, liiskii diiwan gelinta cod-bixiyayaasha gobolada Somaliland oo dhamays tiran. Halkaa waxa ku soo afjarmay marmarsiiyihii Dahir Riyaaale ka dhiganayey Diiwan gelinta iyo Server-ka.

Waxa kaloo jira deeq bixiyayaasha caalamka iyo haayada Interpeace oo codsaday, shuruudana ku xidhay ay ka mid yihiin, in shaqada komishanka laga eryo hogaanka Komishanka. Intaa kadib Riyaale iyo Komishankii isku dan ayey noqdeen. Doorashadu haday si xalaal ah ku dhacdo oo diiwan gelinta Intepeace ku salaysan Madaxweynuhu wuxuu u arkaa in doorashada laga helayo oo kursiga uu waayayo.

Hogaanka Komishanku wuxuu u arkaa haddii la aqbalo shuruudaha deeq-bixiyayaasha caalamka iyo Interpeace oo ah in hogaanka Komishanka shaqada laga eryo, haddii la fuliyo inay xilka ay hayaan wayayaan.

Hadaba Dahir Riyaale iyo hogaanka Komishanku, si aan doorosho xalaal ah iyo shuruudaha deeq bixiyaashu ku xidheen u fullin, waxay wada gaadheen heshiis xaaran ah oo lagu khiyaamaynayo laguna marin habaabinayo shacabka Somaliland.

Dahir Riyaale iyo hogaanka komishanku waxay go'aansadeen:

In Diiwan gelinta la laalo, doorashadana lagu galo diiwan la'aan.
In Haayada Intepeace ee diiwan gelinta gacanta ku haysay in laga saaro wadanka.

Madaxweyne Dahir Riyaale wuxuu sheegay inuu ka maarmay taageeradii deeq-bixiyayaasha caalamka ee Somaliland ka taakulayn jiray doorashada iyo waxyaabo kale oo badan.

Hadaba waxa iswaydiin leh Dahir Riyaale oo todobadii {7da}sano uu  madaxwe ynaha ka ahaa Somaliland, lama hayo hal qol dugsi waxbarasho {one classro om} ama hal qol rug caafimaad {one clinic}oo uu ka dhisay qarashka ama  laca gta dawlada, waxaan tusaale ahaan idin xasuusinayaa dhamaan Iskuulada, iyo rogaha caafimaad ee ka dhisan wadanka, waxaa dhamaantood dhisay ama  da yac tiray waa shacabka Somaliland iyo Haayadaha Samafalka oo gacan ka  hel aya deeqbixiyayaash caalamka. Hadaba Dahir Riyaale xagee ayuu ka  keenay aa $4,000,000 doolar ee uu yidhi anaa bixinaya si doorashada loogu qabto, ha diise uu hayey muxuu uga hagranayey ummadan baahan oo u wax ugu qaban waayey ?



Allah Mahad leh

Kosaar Aideed Abdi

Kusimaha Gudoomiyah UCID UK