Madaxweynaha  Jamhuuriyada Somaliand  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku hambalyeeyay shacabka 52 guuradii ka soo wareegtay 26 June 1960


 

 


Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wa xa uu Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somalila nd madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweyn uhu u rajeeyey ilaahayna uga beryay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacbiga Gud do iyo Debedba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Somaliland oo si buuxda uga mid noqotay dawladaha la aqoonsanyahay.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan si adag ugu sheegay inay Jamhuuriyadda Somalila nd guul joogto isla markaana ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga.

Madaxweynuhu waxa uu beesha caalamka ugu yeedhay inaanay la masuugin aqoonsiga ee ay ixtiraamaan taariikhda qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga iyo dadaalka ay ku xaqiijiyeen dal nabada, iyo hannaan dawladnimo, dimuqraadiya oo si wacan u hanaqaaday sidaana la wada ogyahay loona qirsanyahay.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ku dhiiri-geliyey inay iska jiraan oo ay ka feejignaadaan cadaw kasta iyo cid kasta oo isku dayda iny wax u dhimaan ama dhawacaan wada jirka umadeena Somaliland iyo nabad-gelyada Qarankeena.
 

 


Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe)