Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Hawd ee Jamhuuriyada Somaliland

 

Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya qodobka 90-aad iyo qodobka 110-aad ee dastuurka JSL , isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee gobolka Hawd u leeyahay dhismaha Qaranka , waxa uu u magacaabay in uu gudoomiye ka noqdogobolkaasi Mudane Cali Cawil Cabdi oo hore u ahaan jiray Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka Maroodi Jeex , iyada oo Madaxweynuhu uu tix gelin gaar ah siiyay kartida , aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee Mudane Cali CawilCabdi uu leeyahay.





Alla Mahad leh


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland