Madaxweyn Markale Waxan ka codsanayaa inaad Ooda ka qaado oo ad xoriyadiisa u soo celiso Ibrahim A Gadiid

 



Mar haduu madaxweyne Siiraanayo ogaadey in ay cadaaladii iyo garsoorkii dalkuu meel halisa mar ayaso, waxa kuwaajib ah inuu arimo badan isagu gacanta la soo galo oo cadaalada iyo garsoorkab a lagu waxyeeleynayo, haddii cadaalad la waayo nololi ma jiriso, nabadna hadalkeeda ba daa



Waxan haddaba aakhristo maanta aragtideyda iyo meesha ay cadaaladeenu mareyso idin soo gudbin doona - Bal muxu galabsaday eedeysanaha jiif iyo joogba loo diiday ee ila hadda si sharci daro ah ku xidhan mudane Ibrahim Aamin Gadiid waxba mu galabsane awoodo dawladnimo ayaa loo adeysaneyaa xidhigeesa


Ibrahim Aamin Gadiid oo ah Agaasime waaxeed wasaarada waxbarashada oo degan Hargeysa.

Waxa uu hanti-dhawruhu ku soo eedeeyey musuqmaasuq oo suuqa laga qabtay isaga oon la ogeysiin amba lala socodsiin wasaaradu ka tirsanaa,Wasiirada wabarashada ayaa ashkato ula tagtay madaxweynaha inuu wasaaradeeda hanti-dhawruhu ka xidhxidhay shaqaale aan lala socodsiinin, Ibrahim Aamin Gadiid waxa lagu soo daayay damiin,iyado oo ay ahayd maalintii la dhegeysan lahaa dacwadiisa oo uu maxkamada hor-joogo kuna dhex-jiro dhamaanadii hore ayaa la qabtay iyado oo la sito waaran kale oo illaayo immika u xidhanyahay, laba jeerbaa la hor-keeney maxkamada oo dacwada uu watay hanti-dhawruhu ku soo qortay 19 markhaati oo aanu mid-qudhina ka soo xaadirin maxkamada oo uu hanti-dhawruhu noqday ka soo eedeeyey oo haddana markkhati ku furaaya inuu Ibrahim Aamin Gadiid ku kacay musuqmaasuq,sida lala socdo musuqmaasuqu waa cadeyn document ah ee maaha markhaati iyo malo-awaal.





Wasaarada waxbarashada,Xarunta agoomaha,Xarunta dhimirkuba iyo hayada uniseve waxay qoreen warqado ay ku cadeynayaan inaaney jirin wax ka maqan,afartaaso ah kuwa uu hanti-dhawruhu leeyahay Ibarahim Aamin Gadiid wuu musuqmaasaqay. Waxa jira in hanti-dhawra ay cid-kale ku adeegsanayso oo ku hogaamineyso inuu dacwad ku soo oogo musuqmaasuqa oo ka turjumeysa aar-goosi colaadeed oo siyaasi ah.



Waxa la hubaa oo ah sida cadceeda inaaney ahayn qadiyada lagu haystu Ibrahim Aamin Gadiid musuqmaasuq ee ay tahay colaad ka dhalatay ayaamihii ololahii doorashadii madaxweynaha ee inasoo dhaaftay, colaadaaso ka kacday gobolka Awdal oo lagu tuhmaayo inuu uga ololaynayey Xisbiga UDUB iyo inay ilmaadeer yihiin madaxweynahii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin sidii ku dhacday nin ay ooriyo walaal yihiin madaxweynahii hore oo magaciisu yahay Mohamoud Abdul Qaadir oo ka tirsanaa UNDP la taliyana u siisay Wasaarada Maaliyada.



Dhawr jeerbay odayaasha reer Awdal la kulmeen Madaxweyna iyo ku-xigeenba oo loogu balan-qaaday in-xoriyadiisa loo soo celiyo Md. Ibrahim Aamin Gadiid walina la sugaayo oo ay u muuqato iney ku hungoobeen.Waaxaanay cadaynaysaa taasu sida xukuumada maanta jirta ay u adeegsanayso awood cadaaladda ka fog oo ninkii la rababa jeelka loo taxaabo,markaad eegto dhibta ugu weyn ee dhex taal xukuumada cusub iyo reer Awdal-na waxa kow ka ah madaxweyne ku xigeenka oo ah nin loox gaab ah ( siyaasad Gaab) aanay dhaafsiisnayn aragtidiisu Maxamed case iyo Jibriil yoonis.

Waxaanan ILAAHAY ka baryeynaa in aanu dalka iyo dadka badin shaqsiyada noocanoo kale ah inay u hadho kursiga madaxtinimada ,xukuumada maanta jirtana waxaan kula talinaynaa inay ka waantowdo hebelbaa hebal salaamay barigii olalaha iyo waxay is yaqaaneen dawladii hore .



Waxan kusoo gabagabeynayaa fariinteydan madaxweyne xoriyadiisa u sii daa Ibrahim Aamin Gadid iyo kuwa kale ee la mid ka ah ee xaqdarada u xidhan maadaama ad ka dhawaajisey in ay cadaalad daro dalka ka jirto, madaxweyne mar wal ba mudanaata kowaad si codsiga madaxdhaqameedyad JSL waayo wey mudan yihiin



Wa bilaahi tawfiq



Omar Darood Hassan

Norway