Madaxwaynihii hore ee Dalka Ghana oo loo soo magacaabay Somaliya


 


Muqdisho (TNN) :- Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Moussa Faki Mohamat ayaa Sooma aliya u soo magacaabay ergay gaarka ah oo ka shaqeyn doona dhex-dhexaadinta khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Moussa Faki ayaa madaxwaynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama u magacaabay inuu noqdo ergayga gaar ah ee dhex dhexaadinta arimaha khilaafaadka ee ka taagan Sooma aliya.

“Madaxweyne Mahama waxuu kala shaqeyn doonaa saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay gaaraan tanaasul la wada aqbali karo oo ku wajahan xal loo dhan-yahay oo ku aadan qabas hada doorashooyinka Soomaaliya, waqtiga ugu gaaban, uguna macquulsan .Isaga oo fulinay a waajibaadkiisa, wakiilka sare waxaa taageeri doona AMISOM, si loo xaqiijiyo in dadaallada dhex-dhexaadinta iyo howl galka taageeridda nabadda ay u wada shaqeeyaan si habsami leh.” ayuu ydhri Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa hadalkiisa intaa ku daray in muhiim ay tahay doorasho di muqraadi ah oo Soomaaliya ka dhacda taasoo leh sharciyad iyo waajibaad dastuuri ah isago o rajo wanaagsan ka muujiyay in ergaygan cusub uu door muuqda ka qaato xalinta khilaafka jira si loo ilaaliyo xasiloonida gobolka oo dhan.

“Tani waa inay dhalisaa dowlad si dimoqraadi ah loo soo doorto oo leh sharciyad iyo wajibaa d dastuuri ah, si loo xalliyo inta ka hadhsan arrimaha siyaasadda iyo dastuuriga ah ee halist a ku ah xasilloonida dalka iyo gobolka oo idil.”