Madaxwayne
Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabiley Wafti ka Socda Hay’adda
Dawladda Turkiga u qaabilsan wax-wada qabsiga iyo xidhiidhka
Abdulahad Kokdagi oo ah TIKA SOMALI PROGRAM COORDINATOR ayaa
madaxweynaha uga waramay ujeedada Socdaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka
socda Hay’adda Dawladda Turkiga u qaabilsan wax-wada qabsiga iyo
xidhiidhka oo hoos timaada Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee
Jamhuuriyada Turkiga.
Abdulahad Kokdagi oo ah TIKA SOMALI PROGRAM COORDINATOR ayaa
madaxweynaha uga waramay ujeedada Socdaalka uu weftigiisu ku yimid
dalka waxaanu sheegay inay Dawladdiisu diyaar u tahay sidii ay
Somaliland uga caawin lahayd, Baahiyaha Horu-marineed hadii ay noqon
lahayd wadooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mida.
Madaxweynaha Somaliland ayaa Dawladda turkiga ku amaanay fir-fircoonida
xidhiidhka caalamiga ah ee ay la leedahay Dunida inteeda kale.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu xidhiidh fac-weyni ka dhaxeeyo
Turkiga iyo Somaliland.
Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland u
qabto kaalmada Turkiga oo uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay
rummoobi-doonto, wasiiradda, Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta iyo
Macdanta, Tamarta & Biyaha, ayaannu u xil-saaray inay weftiga u
qadimaan baahiyaha Lama huraanka ah ee ay Dawladda Turkigu ka caawin
karto Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|