TACSI
MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka
Booliska, oo uu ka tacsiyada ynaayo geerida ku timid ALLE ha u
naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Marxu um Cilmi Rooble
Furre (Cilmi kabaal) oo maanta 25/03/2015 ku geeriyooday Dalka
Talya aniga.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa,
Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka,
iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaab tii iyo shacbiga
Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.
Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta
Somaliland waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay rukun ka mida rukumada
qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti badana u huray
dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey talaabo kasta oo
qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.
waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii
jannatu fardaws a ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka
somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka,
waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga
Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|