WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: 6 May 2012
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Gelinkii hore xafiiskiisa ku
qaabilay Wefti ka kooban 6 Xubnood oo uu hogaaminaayo ku xigeenka u
qaybsamaha Arriamaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Safaarada Nairobi
ee Dalka Maraykanka, Mr. Douglas Meurs, kana socda Guddiga Deeq
bixiyeyaasha ee Arrimaha Doorashooyinka ka caawiya Jamhuuriyada
Somaliland.
Weftigan ayaa u jeedada Socdaalkooda ku sheegay inay tahay xogogaal
u noqoshada iyo u kuur gelida halka ay marayso diyaar garowga
Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka
Jamhuuriyada Somaliland iyo xubnaha wasiirada ee shirka kala qayb
galay, ayaa weftiga warbixin mugleh ka siiyey halka ay marayso
hawshaasi waxaanay u sheegeen in ay dhinaca Dawlada Somaliland ka
dhamaat ay, marka la eego Gudigii Diwaan gelinta oo soo gebegabeeyey
kala saaridii Ururada.
Xukuumada oo Dhinaceeda Diyaarisay dhaqaalihii Saami ahaan ku soo
hagaagay ee ku bixi lah aa Doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo xitaa
shuruucdii looga baahnaa oo iyana dhinaca Ba arlamaanka ka dhamaatay.
Waxaana imika hawshaa gacanta ku haya Guddiga Doorashooyinka Qaranka
oo iyagu xaq u leh inay cayimaan mudada Doorashada inay mudeeyaan,
marka ay suurto gal u tahay inay Doorashada qabtaan
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|