Madaxwayne Siilaanyo oo Maanta Xadhiga ka jaray Carwadii sh anaad ee Waxsoosaarka iyo Ganacsiga Xorta ah iyo Adeegyo Carsi ah oo Madasha lagu soo bandhigay.

 


Shirkada telefoonada ee Telesom ayaa iyadu soo bandhigtay adeeg aad u casri ah Video conferencing (Maqal & Muuqaalka Shirarka).. Daawo Sawiradda


Hargaysa (TNN):-Madaxwaynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ayaa manta furay  car wada 5-aad ee Ganacsiga madax banana gaar ahaana wax soo saarka dalka taasi oo laga furay Hoolka xarunta Hay’ada shaqaalaha dawlada ee magaalada Hargaysa,ayaa waxa soo qaban qaabiyay rugta ganacsiga dawlada.

Munaasibada balaadhan oo loo sameeyay furitaanka carwadani ganacsiga oo socondoonta muddo 7   c isho ah ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Sayli,Wasiirka war-faafinta C/laahi Cismaan Jaamac (geeljirre),Wasiir ka wasaarada xanaanada xoolaha Axmed xaashi Oday,Wasiirka qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali  Shir re,Wasiirka Ganacsiga C/rasaaq Khaliif Axmed,Chief of Cabbinet-ka madaxtooyada Mr Xirsi, madax ka socotay qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga, shirkadaha isgaadhsiinta, kuwa wax soo  saarka,wersh adlayda,hay’adaha madax banana,ururada aan dawliga ahayn iyo dad wayne kale oo aad u tiro  badn aa.

Caarwadani oo ay shirkad walba ku soo bandhigaysay wax soo saarkeeda iyo adeegyada ay  bixiso,ha daba shirkada telefoonada ee Telesom ayaa iyadu soo bandhigtay adeeg aad u casri ah Video  confere ncing (Maqal & Muuqaalka Shirarka) kaasi oo aan hore dalka noociisa oo kale loogu isicmaalin ama  lo ogu arag,iyada oo shirkada Telesom khad maqal iyo muuqaal ah kula xidhiidhsiisay madaxwaynaha  Som aliland Axmed Siilaanyo qaar ka mid ah Badhasaabyada lix gobol oo ka mid ah gobolada dalka,isaga oo madaxwaynuhu si toos ah oo maqal iyo muuqaal ah ula hadlay guddoomiyesha lixdaasi gobol taasi oo noqotay arin ay dhamaanba dadwaynihii madasha joogay iyo madaxwaynuhuba ula wada  dhace en,ad eeganina waxa uu noqday kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalkan Somaliland laga hirgeliyay.

Adeeggani waxa uu faa’iido u leeyahay Jaamacadaha, Dawladda, Ganacsatada, Caafimaadka, Hay’adda ha iwm, kaas oo u suurtogelinaya in ay kharash badan oo kaga bixi lahaa safari dibadda ah ku  madhxis taan, kuna xidhiidhaan dhammaan shirarka, seminars iyo kulamadda caalamiga ah iyaga oo si taas ah u arkaya, iyaga loo arkayo.


Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud oo khudbad ka jeediyay carwadan 5-aad ee  g anacsiga ayaa waxa uu sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay in uu ka soo qayb galo  carwad an oo ay joogaan dawayne sidaa u badan,kuwaasi oo wax qabadkooda iyo adeegaydooda muujiyay  “maanta Waxa farxad wayn ii ah inaan idin kala soo qeyb-galo Carwadan sida aadka ah loo soo ag aasimay oo noqonaysa carwadii shanaad ee dalka laga, oo lagu soo bandhigay wax soo saarka waxaan ku faraxsanay in ay manta iskug yimaadaan dad intaas tiro le,eg , inaga oo muujinayna in dadkeena, dalkeena iyo shucuubteena oo isku mid ah inaga oo mmjinay in aynu wax wada qabsan karo, iyo halka ay gaadhi karayso farsamada aynu maanta ku talo-jiro inuu hirgeliyo dhinaca ay doonto ha noqotee, haddii ay tahay is-gaadhsiinta, Beeraha, dhinaca wax soo saarka kala duwan iyo farsamooyinka loo baahan-yahay oo dhan”ayuu yidhi madaxwayne siilaanyo.DSC00681

Madaxwayne siilaanyo waxa uu intaasi ku daray inuu dhiiri galinayo kana qayb qaadanayo talaabo  ka sta oo lagu horumarinayo wax soo saarka Dalka Somaliland, Madaxwaynaha ayaa kormeer ku soo  ma ray dhamaan goobaha shirkaduhu ku soo bandhigayeen adeegyadooda.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Cabdiraxmaan Faarax Sugaal isaga oo si balaadhan uga waramay waxyaabaha ay wado rugta ganacsiga Somaliland isaga oo xusay guddoomiyuhu inay muhiimadu tahay sidii ay shirkadaha kala duwan ee dalka ka jira ugu noqoto Suuq-gayn, sibaa uu yidhi ay shacabkooda ugu soo bandhigi lahaayeen wax soo saarkooda,adeegood,iyo wax qabadkooda.

Wasiirka wasaarada Ganacsiga,wershadaha iyo dalxiiska Somaliland Md C/rasaaq Khaliif Axmed oo isna carwadani hadal ka jeediyay ayaa faah-faahin ka bixiyay faa’iidada ay carwadani u leedahay bulshada reer Somaliland iyo shirkadaha kala duwan ee dalka ka jira.Isaga oo tilmaamay wasiirku in carwadani  a y noqonayso halbeeg ay xukuumada lafteedu ku ogaanayso in uu le,eegyahay wax soo saarka iyo  ade egyada shirkadaha gaar ka loo leeyahay, si ay qiimayn dhab ah uga hesho waxqabadkooda iyo wax soo saarkooda.

Carwadaasi oo lagu soo bandhigay Waxsoor farabadan iyo Adeegyada Casriga ah ee ay soo  kordhiyee n shirkadaha Wadaniga ah iyo Ganacsatada ayaa dadwaynihii ka qayb galay kala kulmeen soo  dhawa yn iyo qiimo dhimis ay ku sameeyeen adeegyada ay bulshada u Sameeyaan.

 


Khadar Cabdi Muuse & Musatafe Future
Timacade News Reporters
Hargeisa/Somaliland