Madaxwayne Siilaanyo Oo Labadii Kornayl Ee Kaga Hadhay Mujaahidiinta SNM Cawda U Jaraya
 

 

 


Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sheegay in tartanka shirwaynaha xisbiga Kulmiye aanu ku koo bnayn oo kaliya ....

Hargeysa (TNN) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiy e Maxamed Kaahin Axmed, ayaa caddeeyay inuu ka mid yahay Musharixiinta u tartamaya Guddo omiyenimada xisbiga Kulmiye.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sheegay in tartanka shirwaynaha xisbiga Kulmiye aanu ku koo bnayn oo kaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Samaale, balse ay loolanka Guddoomiyaha ragga ku jiraa badan yihiin isla-markaana uu isagu ka mid yahay siyaasiyiinta ku tartamaya in loo door to Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Maxamed Kaahin oo shalay la hadlay Telefiishanka Qaranka Somaliland, ayaa isaga oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Anigaygan kula hadlayaa waxaan ka mid ahay ragga tartanka ugu jira kuraasta loo tartamayo ee Kulmiye (Guddoomiyenimada iyo Musharaxnimada Madaxwaynah a)” ayuu yidhi

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu ka digay in xisbiga Kulmiye ku baa’abyo hogaamiye talada kalig ii maroorsada “Xisbiyadii Somaliya iyo Somalilandba soo matay waxa baa’biiye hogaamiye kaligii doona in talladu ka go’do sida xisbigii SNL, xisbigii Kacaanka, LEEGO iyo UDUB, markaa waxaan jec elahay inaan Kulmiye noqon sidaasi oo kale”

Hadalkan ka soo yeedhay Maxamed Kaahin Axmed, ayaa la sheegay inuu ka dhashay cadho uu ka qaaday guul-daro isaga Muuse Biixi kala kulmeen qorshe ay ku doonayeen in Madaxwayne Sii laanyo sidii ay hogaanka xisbigaasi rasmi ahaan ugu qabban lahaayeen, iyagga oo doonaya inay geeska ku riixaan siyaasiyiinta uu ugu miisaanka culus yahay Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo doraad shaaciyey inuu u taagan Guddoomiyenimada xisbiga Kulmiye ee la dooranayo bilaha soo socda, dhawaaqaasi oo ay culayskii ka dhashay uu ku khasbay in Muuse iyo Kaahin ay garnaqsi isla habeenkii xigayba ula tagaan Madaxwaynaha.

Garnaqsigaasi ayaa la sheegay in Madaxwayne Siilaanyo ugu muujiyey weji ka adag kii ay ka fil ayeen, iyadda oo qodobada la iskula jeex-jeexay kulankaasi oo intooda badan ka imanayey Muu se iyo Kaahin uu Madaxwaynaha iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirradu kaga jawaabeen in aana y suurto-gal ahayn, waxaana arimaha Muuse iyo saaxiibkii soo bandhigeen ka mid ahaa in Guddo omiye Muuse Biixi Magacaabo guddida qaban-qaabada shirwaynaha xisbiga, taasi oo Golaha Wasiirradu ka diideen isla-markaana u sheegeen inaanu awood u lahayn, maadaama oo uu yahay Guddoomiye ku meel-gaadh ah.
Marka laga yimaado taasi, damaca Maxamed Kaahin ka soo baxay ayaa loo aanaynaa inuu salka ku hayo tallaabo uu kaga hor tagayo qorshe la sheegay in lagu doonayo in Guddoomiyihii ururka RAYS Xasan Gaadhaafi oo dhawaan Kulmiye lagaga dhigo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi, taasi oo ah jagada uu Maxamed Kaahin hadda hayo.

Warka ku saabsan in Xasan Gaafaadhi xilkaasi loo wado oo dheeraad ku ah hirdanka loogu jiro hogaanka xisbiga Kulmiye, ayaa ah mid meesha ka saaraya yoolka siyaasadeed ee ay hiigsanaya an Maxamed Kaahin Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi oo laftiisa uu kursigiisa uu soo fuulay culays ka ga imanaya Cabdicasiis Samaale iyo shakhsiyaad kale ee xisbigaasi ee hungurigu ka galay hogaa minta xisbiga, iyadda oo la sheegay in Muuse Biixi cadhadii uu ka qaaday natiijada kulankii Madax waynaha ee loogu diiday inuu Magacaabo guddiga qaban-qabada darteed uu garan waayo halka uu gaadhigiisu ka yaalo kaamboolka Madaxtooyada isla-markaana isaga oo isla maqan uu jidka dheer ee Madaxtooyada hor mara uu qabsado, ilaa ilaalada Madaxtooyada dib u soo celisay.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqyada ka dhashay loolanka loogu jiro hogaaminta Kulmiye oo uu sidoo kale qayb ka yahay agaasimaha maamulka lacagta ee komiishanka Aydhiska Cabdikariin Xinif oo u tartamaya Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye, isla-markaana aan weli la sadaalin Karin halka uu sal dhigi doono, ayaa dibada u soo saaraysa dareeno ah in Ma daxwayne Siilaanyo qorsheeyay inuu Muuse Iyo Kaahin oo ah labada nin ee kaga hadhay Koralay nadii Ururka SNM ee ay halganka dheer soo wada galeen dibada uga saaro xisbiga Kulmiye isla-markaana uu doonayo inuu samaysto saaxiib cusub oo noqonaya rafiiqiisa siyaasadeed inta uu tallada dalka hayo, waxayna tani soo afmeeri doontaa haddii ay dhacdo hamiga siyaasadeed ee labada kornayl oo tan iyo intii dalka lagu soo noqday ay xulafo ahaayeen Madaxwayne Siilaanyo, iyadda oo la odhan karo in labadan siyaasi waxa ku dhaboobay odhaahdii Boqor Buur-madow ee ahayd “Doobiyaal geel aanay lahayn la jooga”
 

 


Source: wargeyska waaheen