Madaxwayne Siilaanyo oo isla Caawa Dhaqan Galiyay Xee rka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka ee Maanta Goluhu Ansixiyay ee Dareenka ku Xeeran

 



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2048/092013 ku dhaqan geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka.


Madaxweynuhu:-


Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF- 22/620/2013 ee ku taariikhaysan 24/09/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013.


Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 



ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.