Madaxwayne Siilaanyo Oo Hambalyo Udiray Shacabka Somaliland Bisha
Barakaysan ee Ramadaan Awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud
(Silaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga
Somaliland Meelkastoy Joogaan Dalka Guddihiisa & Debediisaba, Busha
Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, uguna Bushaararayn aa Bisha
Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa, ILLAAHAY-na waxa uu uga
Barya yaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku
gaadhsiiyo bishan bisheeda.
waxa kale oo madaxwaynuhu uu
dhambaalkan mid la mid ah u Dirayaa Shucuurta islaamka ee Caalamka
ku nool.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale uu Bisha Barakaysan Awgeed ILLAAHAY
uga barayay aa Bukaan jiifka ay ramadaan ugu soo gashay iyaga oo
aanu caafimaad koodu taam ahayn awoodina aan u lahayn soonka ALLE
inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan
nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha
Rama daana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaafo.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|