Madaxwayne
Rayaale oo Xubnihii komishanka ee Is Casilay
ka Aqbalay Iscasilaadoodii
Hargeisa (Longlivesomaliland news )-War-saxaafadeed Maanta ka soo
baxay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in
Madaxway ne Daahir Rayaale Kaahin uu aqbalay Istiqlaaladii ay u soo
gudbiyeen guud ahaanba Xubnihii Komishanka Doorashooyinka kagana
codsadeen in uu ka a qbalo. War-saxaafadeedkan oo uu ku
saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooy ada Saciid Caddaani Mooge waxa
lagu sheegay in Madaxwayne Rayaale uu si wayn ugu mahadceliyay
Xubnaha Komishanka hawlihii balaadhnaa ee ay Um mada iyo
Dalkaba u qabteen mudadii ay xilka hayeen. Arintaasi oo uu Mada xw a
y nuhu ku tilmaamay in ay tahay mid ay ku mutaysteen abaal marin iyo
Shahaado sharaf ay Dalka ku leeyihiin.
War-saxaafadeedkan Saaka ka soo baxay xarunta Qasriga Madaxtooyada
Somaliland waxa kale oo lagu sheegay in Qaranka iyo Dalkuba aanu
ilaabi doonin sida Wadaniyada, Dad Jacaylka iyo Dal Jacaylka leh ee
ay Xubnahani ay uga Hormariyeen Danta guud tooda gaarka ah, iyaga oo
maanta Xilkoodii uga dagay danta guud ee Ummada una fududeeyay
Hirgalinta Heshiiska Seddexda Xisbi Qaran ay isla qaateen.
Ugu danbayntii War-saxaafadeedkan waxa lagu sheegay in Madaxwaynuhu
u rajeeyay in Illaahay ku guuleeyo kana abaal mariyo Hawlihii ay
Ummada u so o qabteen.
Xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ka koobnaa
Tod oba Xubnood ayaa iyagu xilkoodii iska casilay ka dib markii ay
Seddexda Xisbi ee Somaliland Kulmiye, Ucid iyo Udub ay kala
saxeexdeen Heshiis ka kooban lix Qodob oo uu ka mid ahaa, in Xubnaha
Komishanka wax ka bedel lagu sam eeyo.
Mustafe Future
Longlivesomaliland News, Reporter
Hargeysa, Somaliland
|