Madaxwayne Rayaale oo kulan wada tashi ah u fidiyay Madaxda Xisbiyada Mucaaridka ah



Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Som aliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta martiqaad wada tashi ah u fidiyay guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarid ee kulmiye iyo Ucid, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe. Kulankan ayaa  madax waynuhu balan qaaday in uu maalinta arbacada ah ee todobaadkan uu ka qabsoomi doono Qasriga Madaxtooyada. Waxa arintaa lagu caddeeyay warsaxaafadeed goor dhawayd ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa Af hayeenka Madaxwaynaha Somaliland saciid Cadaani Mooge waxa uu u dhignaa sidan


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ku marti qaaday in ay ka soo qayb galaan Madaxda labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe fadhi wada tashi ah oo ay isugu iman doonaan Maalinta  Arba cada ee toddobadkan Qasriga Madaxtooyada.

Madaxweynuhu, isaga oo ahmiyad gaar ah siinaya jiritaanka qaranimada Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada, waxa uu si xishmad iyo qadarin leh ugu marti-qaaday Labada Xisbi ee Mucaaridka Madaxdooda in ay isugu yimaadaan wada hadalo wada tashi ah oo lagu fallan qayn doono masiirka ummada reer Somaliland maalinta Arbacada ee toddobaadkan saacadu marka ay tahay 11:30 subaxnimo.
 

 


Mustafe Future
mccfuture@longlivesomaliland.com
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa, Somaliland