Madaxwayne kuxigeenka Somaliland oo safar ku kala bixiyay goobaha diiwaan gelinta ee Laascaanod

 

Waxaa saaka safar ku kala bixiyay indho indhayn ah gobaha ay ka socoto diiwaan gelinta magaalada Laascaanood gudaheeda madaxwayne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanod.



Safarkan uu madaxwayne kuxigeenku ku tagay goobaha diiwaan gelinta magaalada Laascaanood ayaa waxa hor socday Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed iyo Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sool Maxamed Faarax Maxamuud iyagoo tusayay goobaha ay ka socoto kuwaas oo shacabka magaaladu ugu jireen safaf dhaadheer.

Madaxwaynaha ayaa goobihii uu tagay waxa uu ka dhagaystay qaabka diiwaan gelintu u socoto iyo waxa cilad ah inay ku yimaadeen iyo waliba dhanka amniga taas oo uu u hadlayay goobtaasi shaqsiga ugu magacaaban Gudoomiyaha goobtaasi iyagoo si wayn uga war bixinyay qaabka ay diiwaan gelintu u socoto.

Mar uu ka hadlayay Gudoomiyaha Goobta Diiwaan gelinta kasoo horjeedka Masjidul Hudda ee koonurta magaalada ayaa waxa uu sheegay inuu si wayn ugu faraxsan yahay qaabka uu hawshiisa uu u wato aysana jirin wax cilad ah oo ku timi iyo waliba isagoo si wayn u amaanay dhanka amaanka oo uu sheegay inuu si wayn ugu faraxsan yahay amiga magaalada oo aad u sareeya.

Hadaba madaxwayanaha ayaa waxa uu dhamaanba ka dhagaystay goobihii uu tagay qaabka iyo sida ay hawshu usocoto iyagoo dhamaanba goobahaasi ay xusayeen inay si wanaagsan hawshoodii u wataan taas oo ugu danbanytii uu madaxwaynuhu uu kusoo laabtay hogii uu ka daganaa magaalada Laascaanood.

 

 


Ahmed Abdulahi Binow

Isuduwaha wasaarada warfaafinta
iyo wacyi gelinta JSL ee Gobolka Sool.