Madaxwayne
Ku Xigeenkii Hore Oo Shaaca Ka Qaaday In Xilkii Uu Hayey Ay Ka
Qadeen Guddoomiyihii Siyaasada UDUB

Hargeysa, November 30, 2010 (TNN) – Madaxwayne ku xigeenkii hore ee
Somaliland Axmed Yuusuf Ya asiin ayaa shaaca ka qaaday in ay
xilkii uu xisbiga Udub ka hayey Guddoomiyihii xisbigaas ee arimaha
si yaasada Cumar Jaamac Faarax ay gabi ahaanba ka qaadeen, waxaanu
ku dooday in ay hore ugu heshii yeen xisbi ahaan in cidii afka
xisbiga u adeegsata sifo khaldan laga qaado xilka uu u hayo xisbiga
Udub, isla markaan gudida anshaxa loo gudbiyo.
Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidoo kale baaq u diray bahwaynta
xisbiga mucaaridka ah ee Udub oo uu u sheegay in mustaqbalka dhaw
hogaanka xisbiga ay la wareegi doonaan siyaasiyiin cusub oo ka tir
san xisbigooda, waxaanu ugu baaqay in ay iska bixiyaan qaadhaanka
xisbiga.
Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin waxa
uu sidaas ku sheegay mar uu shalay shirjaraa’id ku qabtey Hutel
Crown ee magaalada Hargeysa.
Ugu horayna isaga oo ka hadlaya xil ka qaadista Guddoomiyihii
siyaasada ee xisbiga Udub, waxa uu yidhi “Ninka maanta ku hadlaya
inuu yahay guddoomiye xisbi siyaasi ah, xisbiga afar nin ayaa
xisbigu shirway nihii ku doortay, anagu waxay mudadayadii ku egtahay
in aanu golihii dhexana diyaarino, gudidii fulinta oo ku meelgaadh
ah ayaanu samayno, golaha dhexe iyo fulintuna waa ku meel gaadh oo
ilaa lagu ansixi yo shirwaynaha rasmi ah noqon maayaan.
Taana waxa lagu kala baxayaa ninku sida uu u shaqaysto iyo inuu
bixiyo qaadhaankii xisbiga, xisbigana la hawlgallo, markaa haddii
nin wax ahaan jiray oo wixii ka tageen maaha inuu sheegto ama afkii
xisbiga uu ku hadlo, horta cidii hadashayba anagu maanta (shalay)
shir aanu lahayn waxaanu ku go’aansanay in cidii hadashay ee ku
hadashay afkii xisbiga shaqadii uu xisbiga u hayay laga joojiyo,
gudida anshax m arintana loo gudbiyo.”
Mar uu la hadlayay bahweynta xisbiga UDUB waxa uu yidhi “Waxaan
bahwaynta xisbiga UDUB u sheega yaa, xisbiga UDUB waxa uu ku tallo
jiraa mustaqbalka haldoorkiisa haddii ay tahay, golaha dhexe iyo ha
ddii ay tahay gudida fulinba inay noqon doonaan dhiig cusub (Dad
cusub), xisbiguna waa inuu noqdaa mid rasmi ah oo qaadhaankiisa
dadwaynuhu bixiyaan, markaa anagu waxaanu doonayna haddii qaar is
leeyihiin rag-baa meesha ku dhagan, ragan meesha ku ururay waxa laga
yaabaa in aanay bari joogin ba, laakiin maaha xisbigu haddii uu ka
baxay saaxadii hogaaminta dalka in xisbigii laga dhaqaaqo oo uu
burburo maaha, waa in xisbigii la gaadhsiiyaa shirwaynaha dambe, si
uu u doorto hogaamiyayaal cusub.
Markaa waxaan leeyahay xubnahan jaraa’idka ku yooyootamaya wixii
meesha yimaada waa ku meel g aadh, markaa waxaan leeyahay ninkii
shaqaysanaya ee doonaya inuu noqdo xisbiyahan rasmi ah ha s haqeeyo
hana sugo shirwaynaha dambe.”
Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeedhay madaxwayne ku
xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxa uu daba
socdaa war qoraal ah oo uu habeen hore saxaafada ku qoray gud
doomiye ku xigeenka xisbiga Udub Cumar Jaamac Faarax, kaas oo ku
duray wasiirkii hore ee maaliyada isla markaana ku eedeeyey in uu
xisbiga la hadhay, uguna soo jeediyey in uu hortago hay’adaha
sharciga.
Source:Haatuf
|