Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Oo Shadooyin Gudoons iiyey Dufcadii 4aad Ee Ka Qallinjabisa Jaamacada GOLIS ,Jawigii Madasha Iyo Hadaladii Masuuliyiinta.
 



 


Hargeysa (TNN)-Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Is maaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo loo sameeyay Dufcadii Afr aad oo ay ka qalin jabiyeen arday tiradoodu dhan tahay 235 (laba boqol iyo shan iyo sodon) arday jaamacada Golis oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargaysa.


Xafladaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kale oo kasoo qayb galay Wasiirada ay ka midka yihiin Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Oday, Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda C/laahi Jaamac Geeljire, Agaasimaha Wasaarada Cadaalada, Lataliyaha wasiirka wasaarada Beeraha, Gudoomiyaha jaamacada Golis, Gudoomiyeyaa sha laamaha jaamacada Golis ee Berbera iyo Burco, Macalimiinta Jaamacada, Waalidiin, Salaadiin, Aqoonyahan, Ardayda jaamacadaasi iyo Marti sharaf kale oo aan lasoo koobi karin.

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi hadal kasoo jeediyay ayaa ugu horayn halkaasi uga markhaati kacay horuma rka iyo talaabooyinka ay xukuumadoodu qaaday oo uu wax ka taabtaabtay gudoomiyaha jaamaca da Golis isagooo madaxwayne ku xigeenku halkaasi uga hambalyeeyay guulaha ay jaamacadu gaa dhay sidoo kalena ardayda qalin jabisay uga waramay fursadaha ay haystaan isagoo kula dardaa rmay inaanay aqoonta ay barteen la seexan ama aanay maqaaxiyaha la fadhiisan ee ay umadooda iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee kusoo tabcay uga faa,ideeyaan.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Oday oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinkii ay la kulmi jireen wakhtigii ay ardayda ahaayeen isagoo xus ay inuu ka baxay dugsiga Sheekh isla markiina la geeyay Xamar, halkaasi oo uu sheegay inuu ku qaatay waxbarashadiisii jaamacadeed isagoo ardayda qalin jabinaysayna u sheegay inay ururkii SNM ee wadanka xoreeyay ugu mahadiyaan maadaama ay maanta magaaladoodii iyo gurigoodii ku qalin jabinayaan.

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda C/laahi Jaamac Geeljire ayaa isaguna halkaasi uga h ambalyeeyay ardayda qalin jabinaysay guusha ay soo hooyeen una sheegeen inaanay tacab qasa ar ka dhigin hangankii waxbarasho ee ay mudada dheer soo galeen, halkaasi amaan balaadhan uga soo jeediyay maamulka iyo macalimiinta jaamacada Golis.

Gudoomiyaha Jaamacada Golis Dr. Siciid Axmed Xasan oo isaguna munaasibadaasi ay dufcadii afra ad ee jaamacadu ka qalin jabinaysay kaga waramay taariikhdii jaamacada Golis iyo marxaladihii ka la duduwanaa ee ay jaamacadaasi soo martay, isagoo sheegay in jaamacadaasi la aasaasay sana dii 2004tii, dufcada maanta ka qalin jabinaysaana ay tahay dufcadii afraad ee jaamacadaasi ka ba xday iyadoo sanadkan uu sheegay inay qalin jabinta kusoo biireen kuliyado aan sanadihii hore ku jirijirin iyo kuliyada beeraha oo uu sheegay inay yihiin dufcadii koowaad ee ka baxda isla markaana ay yihiin jaamacadii ugu horaysay ee arday bartay cilmigaasi ka qalin jabiyaan guud ahaan jaama cadaha gobolka Maroodi jeex iyo magaalada Hargaysa ku yaala.

Gudoomiyaha Jaamacada Golis Dr Siciid Axmed Xasan
Waxaa uu si qoto dheer uga warramay tayada waxbarasho ee ay xambaarsan tahay jaamacado odu iyo xidhiidhada ay aqoonsi ee ay la leedahay waddamada dibadda, waxaannu guddoomiyuhu dhallinyarada reer Somaliland u soo jeediyey inay aqoonta ku bartaan dalkooda si ay bulshadooda iyo dalkoodaba wax ugu qabtaan.


Hormuudada kuliyadaha kala duduwan ee jaamacadaasi, Salaadiin, iyo Qaar ka mid ah Waalidiinta ardayda qalin jabinaysay oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ka waramay sidii ay jaamacada Golis ku bilaabantay iyo heerka ay maanta marayso iyagoo sidoo kalena tilmaamay kaalinta ay ka qaadato kobcinta garaadka bulshada reer Somaliland.

Dufcadan maanta ka baxaysay jaamacada golis ayaa noqonaysa tii ugu tirada badnayd ee ka qalin jabisa jaamacadaasi iyagoo dhinaca kalena ka dhigaya dufcadaha ka baxay jaamacadaasi tii afraad. Jaamacada Golis ayaa sanadkasta xaflada qalin jabinta kusoo bandhigta kuliyadaha cusub ee ay soo kordhinayaan iyagoo sanadkan kusoo kordhiyay xarun cilmi baadhiseen oo wax wayn ka tari doonta guud ahaan baahidii cilmi baadhiseen ee wadanka looga baahnaa.

Sidoo Kalle Sanadkani waa jaamacada Golis Markii ugu horeysay ka qallinjabiyey Kulliyada Beeraaha{Agriculture}.

Gudoomiyaha Jaamacada Golis ayaa shahaado sharafyo kalla duwan gudoonsiiyey.

M/weynaha iyo M/weyne Kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo Iyo C/raxmaan Saylici.waxaanu Dr Siciid sheegey iney ku muteysteen horumarka Balaadhan ee ay xukuumaa hormuudka kayihiin ay sameeyeen xaga waxkaqabashada Waxbarashada Iyadoo xukuu mada bilaash kadhigtey dugsiaydii hoose dhexe,badelka lacagii Burco,iyo waxqabadkooda mudadaa ay joogeen.Sidoo kale waxaa uu sheegey Dr Siciid Iney Shaadosharafyo ay ugu tallo galeen Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Amina Waris,Wasiirka Waxbarashada Zamzam Cabdi Aadan Iyo Amran Cali Xiis .Waxqabadkii iyo tageeradii ay jaamacada Golis lasoo garab istageen Aasaaskeedii,waxaa kale shaado sharafyo lagudoonsiiyey Shirkada Somtel Oo Xafladani  maal gelisey.Mareeyaha Xaxfiiska Samafal Madaxtooyada Marwo Amina Maxamuud Iyo Shakhsiyaad kalla oo ay jaamacadu ku xustey Waxlaqabashada Jaamacada Golis.

M/kuxigeenka Somaliland ayaa Gudoonsiiyeen Shahaadooyinkii ardeydii ugu sareysay Kulliyada kalla duwan ee Jaamacada Golis Ee Maanta alqaba qallinjabiyey Oo Kalla Ah M/IT,Sharia Law Iyo Agriculture.

Waxaa Xusid Mudan In Gabadhi ugu sareysay jaamacada Golis Sanadkan waxaana Ardeyadani layidhaado Isra Cali Xasan Banfas. waxayna sanadkani noqotey Honerka Jaamacada Golis.

Wasiirka Kaluumeysiga C/laahi Geel Jire ayaa isna gabogabadii shaadooyin gudoonsiiyey Ardeydii Qallinjabisey.


Axmed Maxamed Shaqalle

Shaqalle02@gmail.com

Hargeysa Somaliland