Madaxwaynaha Somaliland oo Shacabkiisa Ku Booriyay Inay Muujiyaan
Dareen Wadaniyadeed Maalinta 18ka May
"Waxa aan umadda
reer Somaliland ugu baaqayaa in ay muujiyaan wadaninimada..." Axmed
Siila anyo
Hargaysa (TNN):- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhamaabal farxadeed iyo
tahniyadeed u diray dad weynaha reer somaliland ee ku kala sugan
daafaha dunida ugu baaqay in maalinta 18-ka may oo ah maalintii ay
Somaliland xornimadeedii halawday 1960-kii dib ula soo noqotay ku
muujiyaan dareen farxadeed.iyo dabaal degeed.
Madaxweynaha oo u waramayay saxaafada ka hawl gasha gudaha
somaliland ayaa ku booriyay ugana riyaaqay shacabka reer Somaliland
meel kasta oo ay joogaanba in ay soo qaataan astaan ka qaranka
Somaliland oo ah calanka.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu ilaahay ka baryay in Somaliland oo 20
sano beesha caalamka ma rti uga ahayd in ay hesho ictiraaf caalami
ah in uu ku guuleeyo.
madaxweynaha somaliland mudane siilaanyo isaga oo arintaa ka
hadlayana waxaa uu yidhi "Waxaan usoo jeedinayaa shacbiga reer
somalialnd in ay nabadgalyadooda ku faro adaygaan isla markaana meel
uga soo wada jeesadaan wax kasta oo khalkhal gelin kara, sidaad wada
ogtihiina Waxa inagu soo fool leh sanad guuradii 20aad ee ka soo
wareegtay maalintii ay Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay
dalkii la isku odhan jiray Somalia, waxaanay dadka reer Somaliland
diyaar u yihiin in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan sidii ay dunida
ictiraaf uga heli lahaayeen.
Waxa aan umadda reer Somaliland ugu baaqayaa in ay muujiyaan
wadaninimada iyada oo laga doonayo in ay calanka Somaliland soo
qaataan, waxaanan ilaahay ka baryayaa in uu hamigeena iyo
himiladeena ah in aynu ictiraaf caalami ah ka helno beesha calaamka
inagu guuleeyo"
si kastaba ha ahaatee waxa si weyn looga dareensan yahay gabi
ahaanba jamhuuriyada somaliland xuska 18 may taasi oo ah waqtigii ay
somaliland dib ugala soo noqotay dalkii laysku odhan jiray somaliya
waxana ay noqonaysaa sanadguuradii 20aad ee ka soo wareegta
dhalashadii soamliland
Timacade News Desk
Hargaysa Somaliland
|