Madaxwaynaha Somaliland Oo Ka Hadlay socdaalkiisa Ingiriiska iyo
xaaladda Dalka
London (TNN):- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),
ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa dalka Ingiriiska iyo kulamadii uu la
yeeshay madaxda ka tirsan dalkaasi Ingiriiska muddadii uu joogay,
iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen masuuliyiinta uu la kulmay.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxa uu sidaasi ka sheegay waraysi uu
Telefishan Qaranka SLN TV ku siiyay magaalada London ee caasimada
dalka Ingiirska oo caawa la baahiyay, waxaanu madaxwaynuhu
waraysigaasi kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen
kulamadii uu la yeeshay madaxda dalka Britian, siyaasada arrimaha
dibada, furashada xisbiyaasada siyaa sada, siyaasada xukuumada ee ku
waajahan xoojinta dal kasta oo ka taageeraya horumarinta dhaqaalaha
iyo diblomaasiyadaba iyo xaalada nabad geliyo ee manqada geeska
afrika.
Madaxwaynuhu waxa uu ugu horayn ka waramay kulamadii kala duwanaa ee
uu la yeeshay ma suuliyiinta kala duwan ee dalka Ingiriiska muddadii
uu joogay dalkaasi Ingiriiska, waxaanu tilma amay in ay ka wada
hadleen arrimo ay ka mid yihiin danaha lada wadan ee Somaliland iyo
Ingi riiska iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka qotada dheer
ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka Ingiriiska.
Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa kale oo uu
ka waramay xidhii dhka caalamka iyo horumarka muuqda ee laga gaadhay
siyaasada arrimaha dibada ee Somalila nd, waxaanu yidhi “Dawlada
Ingiriiska ama dawladaha kale ee caalamka ha noqotee dawlad ka staa
Somaliland waxay ku amaantaa sida ay u shaqaynayso iyo sida ay u
hawl gelayso, waxaa nay Somaliland ka dalbataaa sidii ay taageero
uga heli lahayd qadiyadeeda, qadiyadahaasi oo uu ka koowaad yahay
citiraaf sidii ay uga heli lahayd iyo wixii kale ee wax u qabasho ah
ee dal ka horumarintiisa dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo
dhinacyo kale, arrimahaas aya anu aad iyo aad sidii culayska loo
saari lahaa hawlahaasi ee looga hawl geli lahaa, ha noqoto qaybo
badan oo kala duwan oo dunida ka mid ah ha noqoto Yurub, Amerika,
Afrika waxaan isleeyahay aad ayaad uga hawlgasheen weftiyadii nooga
imanayay ee mar walba aad iyo aad inta ay noo yimaadaan ee ay
dalkayaga arkayay ee boogaadinta u soo jeedinayay dawlada iyo wax
qabadkeeda, taa waxaanu isleenahay hawl fara badan ayaad ka gasheen
waxaananu ku rejo waynahay in aanu ka midho dhalino.”
Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in ay xukuumad ahaan dadaal xoogan ugu
jiraan sidii ay Som aliland uga mid noqon lahayd dalalka caalamka
citiraafna u heli lahayd, waxa kale oo uu ka had lay madaxwaynuhu
siyaasada xukuumada ee ku waajahan xoojinta cidkasta iyo dalkasta oo
wax ka taraya horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dhinaca
diblomaasiyadaba, isaga oo sheegay in horumarinta dhaqaalaha iyo
xidhiidhada kala duwan ee ay ka sameeyeen dalal fara badan oo
caalamka ah ay kala hadlaan sidii ay u horumarin lahaayeen
dhaqaalaha Somaliland oo ay heshiisyo ka gaadheen.
Madaxwaynuhu mar uu ka waramayay xaalada nabad geliyo ee manqada
geeska afrika waxa uu tilmaamay sida ay xukuumada Somaliland
muhiimada u siinayso adkaynta nabadgeliyada mandaqada iyo sida aanay
cidna ugu ogolaanaynin in lagu soo xadgudbo xuduudaha Somaliland.
Waxa kale oo uu madaxwaynuhu ka hadlay furashada xisbiyaasada
siyaasada Somaliland taasi oo uu sheegay in ay ka mid ahayd balan
qaadyadii xisbiga KULMIYE wakhtigii uu ku jiray ololihii doorashada
madaxtooyada, arrintantaasina ay ahayd wax uu shacbigu doonayay.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka waramay waxqabadka
muuqda ee ay xukuum ada uu hogaaminayaa ku talaabsatay muddadii ay
jirtay ee dhinacyada kala duwan leh sida arr imaha bulshada,
siyaasada, dhaqaalaha iyo dadaalka xoogan ee ay ugu jirto
horumarinta dalka iyo ka midho dhalinta himilada shacbiga
Somaliland.
Source: Somaliland.Org
|