Madaxwaynaha
Puntland oo Maanta xilkii ka qa
aday Lada Gudoomiye ee Degmooyinka Cayn iyo
Mudug
Laascaanood (Longlivesomaliland
News)-Wareegto ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland
C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ma a nta xilalkoodi ka qaaday
laba gudoomiye ka tirsan maamulkiisa. Madaxweyne Faroole ayaa ku
eedeyey in aysan Gudoomiyayaasha xilkooda waayey aysan si daacadi ku
jirto u gudan xillalkooda.
Gudoomiyeyaasha Gobolada Ceyn iyo Mudug ayaa lagu eedeyey in aysan
hawlahooda shaqo si wanaagsan u gudan isla markaasna aya munaasib
ta hay in xilalkooda laga qaado. Madaxweyne Faroole ayaa xilka
qaadistooda u cuskadey in aysan labadaasi gudoomiye xilkooda ka soo
bixin sidaasi darteedna xilkooda laga xayuubiyey.
Isla markaasna waxa si diiran xilka qaadistaasi u soo dhaweyey
Gudoom iyaha Gobolkaasi Mudug kaasi oo lagu magacaabo C/nuur Geesey
oo shee gey in uu ka aqbalay madaxweynaha xilka qaadistiisa
isla markaasna saac ada xilkaasi laga qaadey laga bilaabo
uusan wax shaqo ah qabaneynin.
Balse Gudomiyaha Goobolka Mudug C/nuur Geesey ayaa ku andocoodey in
uu isagu xilkiisa si wanaagsan u guto intii uu xilka ka hayey
gobolkaasi Mu dug . C/nuur Geesey ayaa sheegey in markasta u
hogaansami doono xilka qaadista lagu sameyey isla markasna so
dhaweynayo.
Ugu dambeyntii waxaan ilaa iyo hadda wax wara laga hayn Gudoomiyaha
Gobolka Cayn oo isagana uu madaxweyne Faroole Xilkiisa ka
qaadey.Xilka qaadistan labada Masuul ayaa ku soo beegmeysa xilli ay
falal amaan daro ka dhacayeen gobolka Mudug halkaasi oo lagu dilay
wasiirkii warfaafinta maamulka Puntland.
Wariye Ciise Cabdisamed axmed
Longlivesomaliland News Media
Laascanod /Somaliland
E-mail:qanciye_ciise@hotmail.com
|