Madaxwaynaha la Doortay iyo Xukuumadiisa Cusub Maxay ka
yeeli doonaan Goboladii iyo Degmooyinkii Tiradda Badnaa
ee Xukuumadii Rayaale Magacawday Wakhtiyadii Ololaha
Doorashooyinka S/land.

Hargeysa
(TNN)-Somaliland waxay soo maray Xukuumaddo kala duwan oo ay
ugu horaysa Xukuuma dii uu Madaxway neha ka ahaa
Alle ha unaxiirstee C/raxman Axmed Cali (C/raxman Tuur),
Xukuuma dii Alle ha u naxa riistee Maxamed
X.Ibraahin Cigaal, Xukuumaddii Madaxwayne Rayaale ee
Dhawa an laga Guulaystay iyo Xukuumadda Cusub ee dhawaan
lasoo dhisi doono ee uu Madaxwaynaha ka yahay
Madaxwayna ha La doortay ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Xukuumad Waliba Waxay soo martay Wakhtigeeda iyo
Waayeheeda Gaarka ah,Xukuumadii Madaxw ayne
Rayaale ee Dalka ka talinaysay Sannadihii ugu
Danbayeeyay ayaa Waxay Wax badan ka bada shay
haykalkii Dalka iyo halkii uu Wakhtiyadii hore Taagnaa
iyaga oo soo kordhiyo Waxyaabo badan oo horumar iyo Dib
u dhacba lahaa.
Hadii aan u Daadago
Dulucda Mawduucayga Dalka somaliland Waa Dal yar oo aan
Wali Caalamku Aq oonsan, Waxaana uu ka Koobnaa Lix
Gobol oo iyo Degmooyin hoos yimaada, kuwaasi lahaa
Xuduud iyo Dhaqaale u gaar ah, oo Gobol waliba iskii
isku bixiyo, Sifo Sharciyana lagu Ansixiyay.
Madaxwaynaha Hadda Taladda ka sii Degaya ee Daahir
Rayaale kaahin ayaa Dhawr jeer Dib u dhigay Doorashadda
Somaliland iyada oo laba jeer guurtidu u kordhisay,
Wakhtigii ay soo dhawaatay Door ashadu, Madaxwayne
Rayaale ayaa ku dhawaaqay todoba gobol oo Cusub (7 )iyo
Afar iyo Toban D egmo (14) oo uu ku soo kordhiyay
Goboladdii iyo Degmooyinkii hore ee Dalka ka jiray,
kuwaasi oo ku salaysnaa Qaab beelaysan oo Beel Walba
Gobol ama Degmo la siiyay, si ay Dib ugu Codeeyaan
Xuku umada oo Dib loogu Doorto Tallada Dalka.
Intaa ka bacdi Madaxwaynaha ayaa mar kale magacaabay
Degmooyin kale oo aan ku jirin kuwii uu hore ee uu mar
wada magaacabay, kuwaasi oo wakhtiyo kala danbeeyay uu
magaacabay, waxa kale oo intaa sii dheer Wakhtigii uu
bilaabmay Ololaha Doorashooyinka Somaliland, Madaxwayne
Rayaale iyo Ku xigeenkiisa Axmed yuusuf ayaa Soo maray
Qaar ka mid ah Gobolada iyo Degmooyinka Dalka somaliland
Wakhtigii ololuhu socday, kuwaasi oo Tuulo kasta oo ay
soo maraan Umagacaabay Degm o , iyada oo
Wakhtigeeda ka hadhsanayd in ka yar toban maalmood.
Goboladda iyo Degmooyinka Madaxwayne Rayaale Magacaabay
ayaan Wali la horkeenin Baarlamaa nka Somaliland,
Gobolada qaar ayaan Xataa buuxin Karin Shuuradaha Degmo
Grade B-ah, iyada oo ay ku jiraan Qaar isbixin kara
Hadii Sifo sharci ah Baarlamaanka loo horgeeyo oo
Qiimayn lagu Same eyo.
Goboladaasi iyo Degmooyinkaasi ayaa ahaa Qorshe
Xukuumadii Rayaale ugu Talo gashay inay Cod k aga
hesho Dadka Deegaanadaasi, taasi aan u suuro galin Sidii
ay ugu talo galeen, ama Qorshaystee nba.
Xisbiga Kulmiye ee Dhawaan ku Guulaysta Doorashadii
26-june ee Madaxtinimadda Dalka ayaa Waxa a Sugaya
Shirqoolo Badan, iyo Dibindaabooyin Badan oo ay Dalka
kaga Tagtay Xukuumadii Madaxw ayne Rayaale,
kuwaasi oo ubaahan Sifooyin Sharci ah in la mariyo oo
aan Muran iyo Khilaaf ku keen in Bulshada Reer
somaliland.
Goboladii Cusbaa ee
Madaxwayne Rayaale Magacaabay Qaar ka mid ah ayaa muran
ku Saabsan Xud uudaha ka dhex dhacay, kuwaasi oo
Qaarkood Dhiig ku Daatay Dad walaalo ahaana isku dileen
oo C olaadi halkaa ku dhex martay, Madaxwayne
Rayaale ayaa sheegay inay ku salaynayaan Xuduudihii
lixdankii ay kala lahaayeen Degmooyinka iyo Goboladda
Dalku, kuwaasi oo aanay Xukuumadu u filin Sidii ay
ubalan qaaday in loogu Dhaqmo Xuduudihii lixdankii,
kuwaasi oo Sababay in aanay Dadka Go boladaasi
aanay u Cadaynin Xukuumadii laga Awooda Roonaaday,
Guuldarrona Maanta kala kulantay goobahaasi ay Muranka
ka Abuurtay oo ay isku halayn ka qabeen inay Cod ka heli
doonaan.
Xukuumadda Cusub ayaa Laga Filayaa inay Waxbadan ka
badali doonta Nidaamkii Xukuumadii Rayaa le kaga
Tagay Dalka, kana Faa,iidaysan doonaan Dhaliilihii
Xukuumadii hore, iyaga oo isticmaalaya Qa ab ku
salaysan Cadaalad iyo Sharciga Dalka u yaala.
Dad badan ayaa iswaydiina Waxa laga yeeli doono
Boqolaalka Degmo iyo Seddex iyo Tobanka Gobol ee loo
kala Qaybiyay Bulshada Reer somaliland, kuwaasi Qofba
dhinac ka arko dhibaatada ay leeda hay in ay
illaawaan Dadka Gobolka looga dhigay Degmadoodii yarayd
ee ay ku Qanacsanaayeen mar kii hore, balse
Niyadooda la Galiyay inay yihiin Gobol ka mid ah
Gobolada Dalka somaland.
Dadwaynaha ayaa si wayn uga dhursuga Xukuumada Cusub ee
uu soo Dhisayo Axmed Siilaanyo iyo Waxa uga Qorshaysan
Goboladdaasi iyo Degmooyinkaasi tiradda Badan ee aan ku
Salaysnayn Qaab Wadaninimo oo lagu Xulan karo, ama aan
La marin Golihii Sharci Dajinta ee Dadwaynuhu soo
doorteen.
Talo waxaan ku soo koobi lahaa Madaxwaynaha Cusub ee la
soo doortay, Talaabo Sharciya ha umaro Sharciyaynta iyo
kala noqoshada Degmooyinkaaasi iyo Goboladaasi uu
Madaxwaynihii hore Magacaa bay, isaga oo ka
taxadiraya khilaafka ay sababi karto arintaasi, iyo
Saamaynta ay ku yeelan karto D adka Reer somaliland.

Mustafe Cabdikarim Cali (Mustafe Future)
Agaasimaha Guud ee TNN
Timacade News Network
Hargeisa Somailand
mccfuture@hotmail.com |
|