Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo, )ayaa booqasho ku yimid wadankana maraykanka,gaar ahaan magaalada washington-dc
 

 



Washington-DC (TNN)- Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane AXMED MAXAM ED MAXAMUUD SIILAANYO ayaa booqasho ku yimid wadankani maraykanka gaar ahaan ma gaalada washington,dc . madaxwayne siilanyo safarkiisa maraykanka oo ah kii ugu horeey ay ee uu ku yimaado wadankani maraykanka tan iyo intii xafiiska loo doortay , madaxwayn e AXMED SIILAANYO waxa uu sheegay in dawlada somaliland iyo maraykanka uu ka dhaxe eyo xiidhiidh saaxiibtinimo oo soo jiray ilaa 1960 waqtigii ay somaliland xornimada qaadat ay ,xidhiidhkaasi oo ku bilaabmay markii dawladii madaxwayne Eisenhower ee waqtigaasi ay somaliland u soo dirtay telegram ama fariin rasmi ah oo ay ugu hanbalyaysay xoriyada somaliland sandkii 1960-kii.


Safarkani madaxwayne siilanyo waxa uu qayb ka yahay dedaalka uu madaxwayne SIILA NYO oo ugu jiro sidii ay xukuumada somaliland ku heli lahayd aqoonsi caalemi ah oo ay ka hesho wadamada caalamka , iyadoo hada ay somaliland tahay wadan nabdoon oo dimuqur aadiyadu ka hano qaaday.

Wakiilka jamhuuriyada soamaliland u jooga wadanka maraykanka mudane RADHIID GAAR UF oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in madaxwaynuhu uu joogi doono mudo todob aad ah waxana uu la kulmi doonaa madax sar sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada iyo wasaarada gaashaandhiga ,waxa kale oo uu la kulmidoonaa mudanyaal ka tirsan golaha wakiilada iyo senetka, madaxwayne siilaanyo waxa uu qudbad balaadhan ka jeedin doonaa xarunta la yidhaado THE ATLANTIC COUNCIL oo ay ka soo qayb gali doonaan madax sar sare oo ka tirsan dawlada markaykanka ,madaxwayne siilaanyo waxa kale oo la kulmi doonaa madaxda hayada USAID ee kaalmada dibada qaabilsan ,sidoo kale madaxwayne siilaanyo waxa la filayaa in uu la kulmo jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan wadan kani maraykanka .

Madaxwaynaha waxa socdaalkiisa ku wehelinayay oo ka soo raacay magaalada london ma rwada koowaad ee somaliland ,wasiirka arimaha dibada maxamed c/laahi cumar, iyo wasiir ka madaxtooyada xirsi cali xasan.

Waxa kale oo iyaguna soo gaadhay magaalada washington wafti wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka qurshaynta ,sacad cali shire ,wasiirka macdanta iyo biyaha xuseen cabdi ducaale ,iyo wasiiru dawlah maaliyada cismaan saxardiid cadaani

 

 


Samiir Barre Awgab
Washington SOLNA