Madaxtooyadii oo gabay cudhay, tan iyo gooska Iriqiisa

 



Todobaadkan iyo weriyaha laanta curdinka



Todobaadka waxaan ku soo qaadanayn, gabadh dhoorey ah oo gubanka adhi la joogta oo ka jaawbtay gabaygii Madaxtooyada oo tidhi: “ooh aw ka yaroo, kurayoo, ooh aw ina weeli walaw, ooho aw duul karaami iyo colaad, u kala tirisee, Ooho aw haddaanan ku kabayn, kolkaan ku arko, keleb yoho.” Waxay ku qalaysaa shilal kuu is dhigay iyo kuraynimadiisa.

Waa kan waraysigii siduu u dhacay:


Qurbaawi: Qosol baa I diley!

WLC: Muxuu kugu diley?

Qurbaawi: Madaxtooyadii ayaa gabay soo cudhay tan iyo gooska Iriqiisa.

WLC: Ma dhabaa. Soo taan moodayey in xil culus loo dhaariyey oo gabay dhaafsiisan, siday u haleeshay?

Qurbaawi: Haa oo dhab. Hawlihii madashii M/weynaha lagu maamuusayey, ee London, ayaa loo hakiyey oo loo joojiyey reerkii guuraayey, oo Xirsi, wasiirkii Madaxtooyadu, gabay cudhay tan iyo gooska iriqiisa ka sii daayey.

WLC: Gabayga nuxurkiisu muxuu ahaa?

Qurbaawi: Gabayga nuxurkiisu wuxuu ahaa wacdi, waciid iyo abaalmarin.

WLC: oo waa heer sare eh. Waa sedexdii quraanku ku salaysnaaye.

Qurbaawi: Wuxuu leeyahay waar hooy ooyi doonoo, aayar joog. Wuxuu u digayaa madax iyo mijaba ciddii maagtay oo uu hoosta ka ogsoon yahay. Wuxuu ku ammaanay M/weynaha wax qabadkiisa, gaar ahaan midaynta golayaashii kala caaganaan jirey ee isku dheelitiraanaa, iyo mashruuca adeega gabayga ee haatan la furay, kadib markii culimada madaxtooyadu cilmi baadhis ay sameeyeen lagu ogaadey in meel hoo u baahan, hadalku wax weyn ka tari karo.

Qurbaawi: oo ayaa fulinaya aargoosiga ee odhanaya fariiqun fil janna, wa fariiqun fi saciir.

WLC: Ciidamada Huwanta beelaysan ee argagisada, ee ku salaysan fal alla iyo fal gaalaad, ee Sheekh Xasan iyo Sheekh Siilaanyo ku heshiiyeen in la mideeyo.

WLC: Oo kaasi ma fidnaa, mise waa far hunguri?

Qurbaawi: Labadaba. Dhacdhac ayaynu ka heleynaa baa lagu qanacsan yahay. Laacuun arag, oo faduushaad laaga ha u fiirsan.

WLC: Oo gabaygii ma la tix raacay!

Qurbaawi: Haa. Gabadh Dhoorey ah, oo gubanka adhi la joogta ayaa ka jawaabtey.

WLC: Haye.

Qurbaawi: Waxay adeegsatey Badda suugaanta ee kurayda iyo Dhooreydu isku tiriyaan, markay xoolaha la joogaan.

WLC: oo maxay tidhi?

Qurbaawi: Ma wada hayo, laakiin abwaanada ayaa inta kale haya, ayagaa soo gudbin doona. Waxay tidhi iyadoon ku hawshoon: “Ooho aw, ooho aw ka yaroo, kurayoo, Ooho aw wacaloo, ina weeli waloo, Ooho aw ka yaroo, kurayoo, ooho aw kurtinoo, Kubkay leegoo, ooh aw ina kaadi casaw, Oohaw duul karaamo iyo col leh baad u kala tirisee, ooh aw Haddaanan ku kabayn, kolkaan ku arko, keleb yoho”. …………………………………………………………………………….

WLC: Waar gabadhu hanjabaad weynaa. Sisilada jawaabta gabayga Madaxtooyadu waxay ku salaysnaanaysaa godkan, waana kuu u qalmo, beryahaana lama adeegsan.

 

 

 

Hamud Duale