Madaxtooyadda Somalilland Oo Ka Jawaabtay Bayaan ay Soo Saareen Xisbiyadda Mucaaridka ah

 



Hargaysa (TNN):- Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay axsaabta mucaaridka ah, kuwaasi oo sheegay in aanay aqoonsanayn xukuumadda talada haysa haddii aanu madaxweynuhu dhaqan gelin heshiiskii xisbiyadda marka la gaadho 26 bishan July.

Afhayeenku waxa uu sheegay in wakhtigan Somaliland dhaaftay in ay dhaawacaan ama ay wax yeelaan hadallo ay iska yidhaahdaan dad shaqsiyaad ah oo aan xilka qaranka loo igman.

Axmed Saleebaan Dhuxul oo xalay telefoonka ugu waramayay DAWAN, ayaa ku tilmaama y dhawaaqa mucaaridka mid aan waxba ka bedeli doonin go’aanka shacabka reer Somalil and ay ku dhisteen qaranimadoodda iyo dawladnimadooddaba.

Afhayeenka oo ka jawaabayay hadaladda mucaaridka, waxa uu yidhi “Xisbiyadda mucaari dka ahi haddii ay maqif soo saaraan, waxaa ka weyn mawqifka qaranka Somaliland. cid qarankani shaashaysa iyo qofaf hadlaana qaranka waxba yeeli maayaan. Maanta qarank a Somaliland maalin ay qofaf hadlaa wax yeeli karaan wuu dhaafay. Qaranimadda Somalila nd waxaa ilaashanaya shacabka Somaliland, waxaana uga wakiil ah xukuumadda manta joogta, ee uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyadaa waajibaad u hay sata, iyadaa midnimadda ummadda ilaalinaysa, iyadaa nabadgeliyadda iyo jiritaanka qara nka ilaalinaysa, oo ka wakil ah”.

Waxa kale oo uu sheegay in umadda Somaliland ay leedahay aragti midaysa, taasi oo ah ta ay xukuumadda talladda haysaa ku hogaaminayso shacabkeedda doortay ee u igma day in ay hagto. Waxaanu yidhi “Markaa cid aan xilba loo igman, oo aanay ummaddu xil ku ogayn, ashkhaas kooban erayo ay yidhaahdaan, ama mucaarid ha noqdaan, ama acid kale oo mucaaridk isku sheeg ahi ha yidhaahdaane, qarankani waxba ka qaadi maayaan. Somaliland aragti ayay leedahay, aragtidaasi ay xukuumadu ku hogaaminaysaana waxa weeyi, dalkani in uu nabad noqdo, jiritaankiisa iyo rabitaanka ummaduna in uu meel maro, in shacabka Somaliland meel kastaba ha joogaane, erayga qaranimadda sharaftiisa iyo sumcadiisa iyo qaranimadiisa waxaa ilaaliya, xukuumadda loo igmaday.”

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Laakiin waxaa la yaab leh, in mar walba xisbi yadda mucaaridku ay ku dhawaaqaan erayo qef ku ah, sharafta iyo karaamadda qaran ka, oo meel ka dhac ku ah in ay mar walba sheegaan. Markaa tan ay imika leeyihiin xuku umadda waxaanu u qabanay wakhti, horta iyagu xukuumadda wakhti uma qaban karaan, awood ay ugu qabtaana ma leh, cid ku o goo iyaga awlahaas u dooratayna ma jirto, markaa waxaanu leenahay ha is dedejinina.”

Afhayeenku, mar uu ka hadlayay arrinta ay inta badan mucaaridku sida aadka ah ugu ce lceliyaan ee ay beesha caalamka ugu baaqaan in ay soo dhex gasho, ayaa hadaladaasi ku tilmaamay kuwo qef ah.

Waxaanu yidhi “Taasi horta waa gef, oo caalamkow na soo farro-geliya waa gef, umadd ani caalamku waxa uu ka taageeraa wixii ay uga baahdaan, laakiin taladeedda iyo meel marinteeduba shacabka Somaliland ayay gacanta ugu jirtaa, caalamka waxaanu isku leenahay ixtiraab, waxaanu isku leenahay qadarin, laakiin ama beesha caalamka ama cid kale, ama dawlado kale, ama hay’ado kale, midnaba shaqo kuma laha, oo masiirka Shac abka Somaliland kama tallin karaan.

Masiirkeedda ummaddani iyadaa leh, sida ay umad kasta oo dunidda ku nooliba xaq ugu leedahay, in qaranka dastuurkiisu gaar ugu yahay, go’aankoodu uu gaar ugu yahay, ayuu shacabka reer Somaliland-na gaar ugu yahay waxa ay go’aan sadeen. Caalamku hana soo farro-geliyana, waxaan u arkaa in ay tahay gef, iyo inaga laf ahaanteena in himiladee dda la caayayo.”

Dhinaca kale afhayeen dhuxul, waxa uu sheegay in doorshadii shacabka Somaliland ay m adaxweyne Siilaanyo ku doorteen ay u tahay fursad, maadaama oo xukuumadda uu gad h-wadeenka ka yahay ay waxqabad aad u badan samaysay mudadda ay xilka haysay.
Isagoo shacabkana u soo jeediyay in aanay dheg u dhigin hadaladda deel-qaafka ah ee ka soo yeedhaya shaqsiyaad uu ku tilmaamay in aanay u tudhaynin shacabka.

“Shacabka Somaliland waxaan leeyahay, dhegaha ha u raaricinina hadaladaasi gefafka ah ee ka soo yeedhaya kuwa aan u tudhaynin shacabka reer Somaliland. Shacabka Somalilan d waxay doorteen, oo ay masiirkooda asiibeen, markii ay doorteen Siilaanyo, doorashadii madaxweyne Siilaanyo waxay u ahayd shacabka Somaliland fursad u siisay in uu haybada qaranku kor u kaco.

Waayo Somaliland imika waxay ku talaabsatay horumar aad u balaadhan, waana la og ya hay shantaa sanadood, talaabooyinka dhaxal galaka ah, ee qarankani u qabsoomay, ha ddii ay tahay caafimaadka, haddii ay tahay waxbarasahdda, haddii ay wadooyinka tahay, haddii ay dhismeyaasha hay’adaha dawladda tahay, haddii ay siyaasadda dibadda tahay, halka ay caalamka ka gaadhsiisay, dhinac walba marka qaranka laga eego, wax kasta oo manta dalkani ka socda marka la fiiriyo, waa xaqiiq in dawladani ay maalin walba talaabo hore u sii qaadayso.

Markaa waxaan leeyahay, hanka iyo hamadda umadda ha jabinina, umaddana tash-wiish ha gelinina, loom baahna tash-wiish. Qarankani uma baahna tash-wiish, ee wuxuu u baahan yahay wax-qabad iyo horumar” ayuu yidhi md. Dhuxul.

Source: Somaliland.Org