Madaxtooyada Oo Guddi Qabanqaabo U Magacawday Kee nista Maydka Iyo Aaska Marxuun Maxamud Saalax Nuur Fagadhe
 

“Xukuumadu Jimcaha Ayey Diyaarada U Buukin Garaysay Guddi Qabanqaabana Waa Loo Magacaabay” Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax

Hargeysa, December 30, 2009 (Timacade News)- Madaxwayne ku xigeenka  Somalil and Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa guddi qabaqaabo u magacaabay keenista iyo  aas ka wakiilkii Somaliland u fadhiyey magaalada Paris ee caasimada dalka faransiiska marxuun Maxamud Saalax Nuur Fagadhe oo Axadii todobaadkan ku geeriyooday cusbitaal ku yaala caasimada faransiiska.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa isagu wargayska Haatuf u xaqiijiyey in gudi qaban qaabo ay xukuumadu u  magaca wday keenista maydka iyo aaska marxuum Fagadhe, isagoo arinkaa ka  waramaya na waxa uu yidhi “maalinta jimcaha ayaa la buukin gareeyey diyaaradii marxuumka maydkiisa ka soo qaadi lahayd magaalada Paris, ka dibna dhinaca caasimada  somal iland ayaa loo soo qaadayaa sidaa darteed maydka safiirka waa la keenayaa, gudi qaban qaabo oo aanan magacyadooda hayn ayaa loo magacaabay arinkaana mada xwayne ku xigeenka ayaa loo xilsaaray oo ka hawl galaya”

Dhinaca kale ilo xogagaal ah ayaa Haatuf u xaqiijiyey in guddida qaban qaabada ee xukuumadu magacawday oo iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiin dawlada ka tirsan uu gudoomiye u yahay wasiirka qorshaynta qaranka Cali Ibraahin Maxamed (Cali  sany are), kuwaas oo la sheegay in ay qaban qaabin doonto sidii aas qaran loogu  sama yn lahaa Alle haw naxariistee marxuum Maxamud Saalax Nuur Fagadhe.

Ila wareedyo lagu kalsoonyahay oo u dhuun daloola qasriga madaxtooyada iyo  eh elka marxuumka ayaa noo xaqiijiyey inay madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin uu si rasmiya u dhamays tiray kharashkii iyo inkaaniyaadkii lagu fulin lahaa keenista  ma ydka marxuumka, laguna qaban lahaa aas heer qaran ah oo loo sameeyo wakiilkii Somaliland ee dalka faransiiska marxuum Fagadhe oo isagu ahaa halgamayaashii dhidibada u aasay qaranimada Somaliland.



Source:Haatuf