Madaxii
Wararka ee Horn Cable Tv oo la sii daa yay iyo
Xaruntii TV gaasi oo wali Xayiran

Hargeysa( Longlivesomaliland
News) Waxa maanta xabsiga New Hargeisa, ee caasimada Hargeisa laga
sii daayay Tifaftirihii wararka ee Horn cable Tv, Ma x ’ed
Cabdi Sheekh (ilig), markii uu halkaasi ku xidhnaa ilaa galinkii
danbe ee maalinimadii shallay. Hasa ahaatee, waxa wali xidhan
xaruntii laliska Tv-ga iyo xafiiskii maamulka Telefishankaasi (Horn
cable Tv), kuwaasi oo ilaa hadda sababay in ay joogsadaan habsami u
socodka hawlaha Telefishanka.
C/xakiim Max’uud Shirwac oo ka mid ah Masuuliyiinta Telefishankaasi
ayaa n oo sheegay in ay xukuumadu caddaysay in Telefishanku uu iyaga
u xidhan y ahay, taasina waxa ay meesha ka saartay tuhunkii
ahaa Nin ganacsade ah oo khilaaf ka dhaxeeyay mulkiilaha
Telefishanka Farxaan Xaaji Cali. Khilaafka asi oo salka ku hayay
lacag dayn ah oo uu ninkaasi ku lahaa Farxaan.
Xukuumada Somaliland ayaan ilaa imika si rasmi ah uga hadlin xadhiga
telefi shanka iyo sababta dhabta ah ee ay waqtigan oo lagu jiro kala
guur ay u xi dhay telefishankaasi. Xadhiga telefishanka ayaa
daba socday eedayn ay xuk uumadu hore ugu soo jeedisay qaar ka
mid ah war-baahinta maxaliga ah oo ay ku tilmaantay in ay qayb
laxaad leh ka qaateen dhibaatadii dhawaan ka dhacday
dhul-daaqsimeedka deegaanka ceel bardaale. Waxaanay shee gtay
in ay buun buuniyeen waxyaabo been ah taasina ay keentay in ay
labadaasi beelood isku dhacaan. Arintaasi ayaana dadka darsa
siyaasada dawladu ay ku tilmaameen mid ay kaga gabanayso eeda ay ku
leedahay dhibta ceel bar daale.
Waa markii ugu horaysay ee ay xukuumada Somaliland ay xidho xarun
war-baahineed iyada oo baryahan danbe u soo jeedsatay in ay gacan
bir ah ku qabato dhaqdhaqaaqa saxaafada gaar ahaan tan gudaha. Imika
ka hor waxa ay xukuumadu xabsiga u taxaabtay suxuufiyiin kala duwan
oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi
Gaboobe iyo Tifaftirihii warg eyskaasi Cali Cabdi Diini oo
iyagu muddo dheer ku xidhnaa xabsiga Mandhe era.. Sidoo kale,
waxa ay xukuumadu marar kala duwan xidhay suxufiyiin iyo masuuliyiin
kala duwan oo ka tirsan Idaacada Horyaal.
Xadhiga xarumaha war-baahinta iyo wariyayaashu hadii uu sidaa u sii
socdo waxa ay keeni kartaa in ay taasi shaanbad madaw ku noqoto
sumcada ifaysa ee ay Somaliland ku dhex leedahay bulshada caalamka.
Mustafe Future
Longlivesomaliland news
Hargeysa Somaliland
|