WARSAXAAFADEED




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maa nta soo saaray Degreetooyin uu ku magacaabay, dhawr Wasiiru-dawle oo ka tirsan Xuku umadda Somaliland.

Madaxweynuhu, isagoo tix-raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL, isla markaana tix-gelinaya ahmiyadda weyn ee Wasaaradaha soo socdaa u leeyihiin dhismaha Qaranka, wa xa uu magacaabay Wasiiru-dawlayaashan hoos ku qoran:


1. Mudane, Shucayb Maxamed Muuse Bookh waxa loo magacaabay in uu noqdo
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka.

2. Mudane, Maxamuud Warsame Geedi Jaamac, waxa loo magacaabay in uu noqdo
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Wershadaha.

3. Mudane, Axmed Xasan Goolle, waxa loo magacaabay in uu noqdo Wasiir-ku
xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

4. Mudane, Axmed Jaambiir Kaahin, oo hore u ahaan jiray Wasiir ku xigeenka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa loo magacaabay in uu ahaado La-Taliyaha
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Madaxweynuhu, isagoo tix-gelinaya aqoonta iyo hufnaanta ay leeyihiin
Wasiiradaasi uu magacaabay, waxa uu ku amray in ay sida ugu dhakhsha badan
ula wareegaan xilkaasi cusub ee loo magacaabay.



Allaa Mahad Leh,



Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL