Madax-dhaqameedka Galbeedka Burco oo ku Ganan-saydhay Codsi Madaxweyne Siilaanyo u Diray

 

 


Wasiiraddii ka soo laabtay Shirkii Nabadaynta ee Widh-widh oo Burco ugu hakaday Turxaan-bixinta Arrinta


Hargeysa(TNN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Madax dha qameedyada Galbeedka Burco ugu yeedhay kulan Turxaan bixin oo uu kaga qancinayo Tabashado oda ku aadan Saami qaybsiga Hay’adaha Dawlada ee Gobolka Togdheer oo ay hore ugu dhaleecee yeen Xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu si toos ah ula xidhiidhay Suldaanka Guud ee Beesha Galbeed ka Burco Sul. Cismaan Cali Madar laba Habeen ka hore, kaasoo uu ka codsaday inuu Hargeysa yim aado si ay uga wada hadlaan arimaha ay Beeshaasi ka cabanayso muddooyinkii ugu dambeeyay.

Suldaanka Cismaan Cali Madar ayaa la sheegay inaanu Codsigaasi Madaxweynaha ka bixin Jawaab Mawqifkeedu cadyahay, waxaanu u sheegay Madaxweynaha in uu Hawlo u gaar ku mashquul  san yahay oo aanu wakhtigan haleelayn inuu Hargeysa yimaado, balse marka uu haleelo uu u imanayo si ay arintaasi uga wada hadlaan Madaxweynaha.

Warar Xogogaal ah ayaa Waaheen u sheegay inay arintaasi Madaxweynaha ku noqotay mid lama filaan ah, isla markaana bedelkeeda aanu wax talaabo ah qaadin, ilo wareedyadan waxa ay sheeg een in jawaabtaasi Suldaanku u muuqato mid ay Beeshiisu kaga gabanayso xod-xodasho kaga timaa da Dhinaca Xukuumadda, taasoo lagu doc wareemayo shirweyne ay Beeshaasi isugu imanayso oo la sheegay in qaban qaabadiisii lagu jiro.

Ilo wareedyadan waxa ay intaasi ku dareen in aanay ilaa hada si toos ah u muuqan in Beesha Galbe edka Burco ka tanaasushay mawqifkii ay todobaad ka hor ku qaabishay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo ku xigeenka Maaliyada, kuwaasoo ku guuldaraystay inay wax dabac ka helaan madax dhaqame ed ay kula kulmeen Magaalada Hargeysa.

Codsigan Madaxweyne Siilaanyo u diray Hogaanka dhaqanka ee Beesha Galbeedka Burco ayaa iman aya maalin ka hor xili ay Magaalada Burco soo gaadheen waftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Xanaa nada Xoolaha Dr: Maxamed Cabdi Gaboose oo ka soo laabtay Gogoshii Nabad ee Widh-widh.

Waftigaasoo la filayo inay Maalmaha soo socda kulamo la yeeshaan Salaadinta, Cuqaasha iyo Wax garadka Galbeedka Togdheer, kuwaasoo sida lagu soo waramayo Waftigu kala hadlayaan Tabashoo yin fara badan oo ka soo yeedhay iyo sidii ay culays ugu saari lahaayeen inay Madaxweynaha kala hadlaan wixii ay ka cabanayaan.

si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada si rasmiya ugu guulaysan inay xaliso khilaafka tabasho ee soo kala dhex galay Beesha Galbeedka Burco, kaasoo sida xogo hoose oo Warg eyska Waaheen helay ay sheegayaan inay beeshu isku mawqif ka taagantahay siyaasi iyo dhaqan ba, isla markaana Wasiirada Xukuumaadda ugu jiraa aanay ku dhiiran karin inay dejiyaan Xiisad taagan.

Source:Waaheen