Madaxd
haqameedka
Beesha Sacad Muuse oo Digniin Culus ka soo Saaray
Xiisadda ka Aloosan Waqooyiga Gabiley
“
Waxaannu caddaynaynaa in wixii khasaare ka
yimaada ee halkaa ka dhaca ay masuul ka tahay xukuumadda uu
Madaxweynaha u yahay Daahir Rayaale
”
Go’aanka Beesha Sacad Muuse
In ka badan 23 Madax dhaqmeed oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal,
aqoonyahan iyo odayaal ka tirsan Beesha Sacad Muuse, ayaa markii u
horreysa shaaca ka qaaday in xiisadda xuduudeed ee ka aloosan
deegannada Waqooyiga Gabiley uu hormood ka yahay Madaxweyne Rayaale,
isla markaana uu diiday ergooyin dhawr ah oo arrintaas xalkeeda ugu
tagay.
Madaxdhaqameedkan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada
Hargeysa, waxa ay sheegeen in Madaxweynuhu amray awood milatari in
lagu socodsiiyo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo toddoba goodood oo
Waqooyiga Gabiley ah ay diideen dadkii deegaanku. Waxaanay xuseen in
wixii dhibaato ama khasaare ah ee halkaa ka dhasha uu Madaxweyne
Rayaale masuul ka yahay.
Waxa kale, oo madaxdhaqameedkani sheegeen in tallooyin ay u soo
jeediyeen Madaxweynaha oo ay doonayeen arrintan lagu xalilo uu ka
diiday, waxaanay ugu baaqeen dhammaan bulshada reer Somaliland in
xiisada ka aloosan xuduudka u dhexeeya Degmooyinka Gabiley iyo
Gobolka Awdal laga hortago khasaare ka dhasha.
Go’aanka Madaxdhaqameedka Beesha Sacad Muuse oo dhammaystiranina
wuxuu u dhignaa sidan:
“Haddii aannu nahay salaadiinta, cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka
beesha Sacad Muuse, waxaannu u sheegaynaa shacbiga reer Somaliland,
Golayaasha Qaranka, axsaabta Qaranka in xaaladda ka taagan xuduudka
u dhexeeya gobollada Awdal iyo Maroodi-jeex oo waqtigan maraysa meel
aad xasaasi u ah oo u baahan in laga gurmado, taas oo laga baqo qabo
in dagaal ka dhex dhaco xukuumadda iyo dad shacab ah oo muwaadiniin
ah oo leh waxaannu ka tirsanaan jirnay ama iminkaba aannu ka tirsan
nahay Gobolka Maroodi-jeex iyo waxaad ka tirsan tihiin Gobolka Awdal.
Haddaba, haddaanu nahay beesha Sacad Muuse waxaannu halkan ku
caddaynaynaa in wixii ka yimaadda ama khasaare ah ee ka dhaca halkaa
ay masuul ka tahay xukuumadda uu Madaxweynaha u yahay Daahir Rayaale,
sababta oo ah waxaannu ugu tagnay ergo ka kooban salaadiin, cuqaal
iyo waxgarad kale oo beesha Sacad Muuse ah, waxaananu ula tagnay
goobaha la isku hayaa gobolka ay ka tirsanayaan, kuwaas oo kala ah
xil goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah iyo Todobada goobood oo
Waqooyiga Gabiley ah, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan Gobolka
Maroodi-jeex ayna isku hayaan Gobolka Awdal, waxaananu ka codsanay
Madaxweynaha in goobahaa diiwaangelineed ama codbixineed ee la isku
hayo maanta in la waafajiyo sida ku cad dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland ee ay Baarlamaanku ansixiyeen Madaxweynuhuna saxeexay,
kaas oo dhigaya in xuduudaha gobollada iyo degmooyinku ahaanayaan
sidii ay ahaayeen 1960-kii, annaga oo ka codsanay in toddobada
goobood ee Waqooyinga Gabiley oo laga xukumi jiray Degmada Gabiley
ee Gobolka Maroodi-jeex laga dhigo iminka goobo-diiwaangelineed oo
laga xukumo Degmada Gabiley, lixda goobood ee Waqooyiga Maroodi-jeex
oo iyagana laga xukumi jiray 1960-kii Hargeysa-na loo dhigo Hargeysa.
Codsigayagaa Madaxweynuhu wuu naga diiday, waxaana muuqatay si aan u
qalmin meeqaamka Beesha Sacad Muuse iyo salaadiintaba inuu naga
kacay, tixgelina aannu siinin, waxaannu amar nagu siiyey in loo
dhigayo Gobolka Awdal toddobada goobood ee Waqooyiga Gabiley ah,
lixda goobood ee ah Waqooyiga Maroodi-jeex uu laalay. Intaa dabadeed
waxaannu ka codsanay inuu dhammaan wada laalo goobahaas oo uu ka
dhigo heer Komishan nabadgelyada aweed, marka la kala xadeeyo
gobollada iyo degmooyinka gobolkay raacaan lagu daro, taana wuu naga
diiday Madaxweynuhu.
Haddana, waxaannu dirnay annaga oo eegayna in aan nabadgelyada
dhaawac soo gaadhin laba ergo oo kale, iyagana waxa uu mariyey
waddadii uu namariyey, sidaa awgeed waxaannu mar labaad caddaynaynaa
in uu Madaxweynuhu amar ku bixiyey in awood milatari lagu dhigo
goobahaas diiwaangelinta, kadiba markii ay gadoodeen dadkii
deegaankaasi in lagu daro Gobolka Awdal oo ay sanaaduuqdii ka
qaadeen markii hore oo ay ku yidhaahdeen halkii la idinka soo diray
tagay gobolkaa nalagama xukumee, una soo celiyeen iyada oo aanay
waxba ka maqnayn haba yaraatee. Sidaa daraadeed waxaannu leenahay
wixii ku yimaada awoodaa milatari Madaxweynaha ayaa ka masuul ah.
Waxaannuna ummadda reer Somaliland ee nabadgalyada jecel ugu
baaqaynaa in arrintaa laga gurmado, lagana hortago wax dhibaato ah
oo meeshaa ka dhaca.”
Magacyada salaadiinta, cuqaasha iyo odayaasha go’aankan soo saaray
waxay kala yihiin sidan:
1. Suldaan Axmed Nuur Cabdillaahi Samaale
2. Suldaan Xasan Suldaan Nuur
3. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan
4. Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele
5. Suldaan Sulub Nuur Warsame
6. Suldaan Jaamac Cismaan Aadan
7. Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi
8. Suldaan Xiis Barre
9. Suldaan Xasan Maxamed Geele
10. Chief Caaqil Cabdi Ciidle Aamin
11. Caaqil Cabdillaahi Qalinle
12. Caaqil Xuseen Aw Muuse
13. Caaqil Aadan Ismaaciil Xasan
14. Caaqil Khadar Yuusuf Ismaaciil
15. Oday, Maxamed Cige
16. Oday, Maxamuud Dhool-dahable
17. Oday, Faarax Cabdillaahi
18. Oday, Cumar Ducale Cali
19. Oday Siyaad Cabdillaahi Digaale
20. Oday Maxamed Cabdi Maal
21. Oday Maxamuud Cali Cumar
22. Oday Xasan Aw Muuse.
23. Oday Cismaan maxamed Geele.
Intaa kadib qaar ka mid ah su’aalihii suxufiyiintii shirkaa jaraa’id
ka qaybgashay weydiiyeen madaxdhaqameedka oo si wada jir ah uga
jawaabayeen waxay u dhaceen sidan:
Su’aal: Beesha marka la eego dadkii taladeeda dhaqanka hayey ee u
mudnaa baad tihiin, markii idinka uu idin qiimayn waayey ee uu
idinka kacay Madaxweynuhu sababta aad ergo dambe ugu dirteen maxay
ahayd?
Jawaab: Waxaannu u dirnay bal in iyaga uu wax ka aqbalo oo
nabadgelyadu sidaa ku xasisho iyaguna u tagaan oo ha idinla arkaan,
nasiib-darro iyagiina wuu soo celiyey oo waddadii uu na mariyey
ayuun buu mariyey.
S: Kol haddii ergadii uu diiday Madaxweynuhu, arrintiina cakiran
tahay tallaabada hadda aad qaadaysaan waa maxay?
J: Waxaannu qaadaynaa dee horta salaadiin miidhan baanu nahay
nabadgelyo ayuun baanu dabasoconaa wax dil ama dagaal ah oo aannu
ogol nahay ma jiro.
S: Ilaa intii arrintani taagnayd go’aamadii la idinka sugayey muddo
ayey gaabinayeen, markaa miyaan la odhan Karin xukuumadda ayaa
gacanta idinkula jirtay?
J: Wax gaabis ah oo xagayaga ka jiray muu jirin, dawladduna wax
gacan ah nagulamay jirin, laakiin waxaannu tixgelinaynay nabada iyo
aannu awaawo u helno in aan dhibaato dhicin, taas uun baa jirtay.
S: Haddii go’aanka iyo baaqa aad hadda soo jeediseen uu Madaxweynuhu
waxba ka soo qaadan waayo oo arrintuna sidaa ku socoto, idinku ma
faraha ayaad laabanaysaan mise wax kale ayaa meel idiin yaala?
J: Waxaannu nahay bee lee taladaasi waa mid annaga dib noogu taala
ee maaha mid aannu caawa halkan kaga jawaabayno.
S: Caawa (xalay) waxaad halkan ku fadhidaan badi madaxdhaqameedkii
beesha, ma laga ayaabaa in la arko maalin kadib qaar idinka mid ah
oo xukuumadda arrintan ku difaacaya?
J: Ilaahay kama rajaynayno, umana fadhino, Sacad Muuse-na waxaannu u
sheegaynaa inay beeshu midaysan tahay, beesha dadka karaamadeeda
sita ee matalayaa waa salaadiinta iyo madaxdhaqameedyada kale
intiibana badidoodii halkan bay fadhidaa oo Salaadiinta cid ka
maqani ma jirto Suldaan Maxamed oo xannuunsanaya mooyaane, waanay
israacsan yihiin. Isma raaci kartadii la lahaa beeshuna been bay
noqotay, ummaddana waanu u caddaynaynaa.
Deegaannada muranku ka taagan yahay ee waqooyiga Gobolka Gabiley oo
sanado badan arintoodu taagnayd waxay kala yihiin Seemaal,
Xamarta-Hogeed, Boodhka,iyo Kaxda, kuwaasi oo taariikh ahaan ilaa
lixdankii raacsanaa Gabiley.
Dhinaca kale Md. Bashiire Sheekh Xuseen Tukaale oo ka mid ah
xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland oo xalay Jamhuuriya ugu
waramayey khadka telefoonka ayaa sheegay in xukuumadu ay ciidamo xad
dhaaf ah oo dheeriya ay gaysay deegaanada muranku ka taagan yahay,
waxaanu xusay in arintaasi ay sii xumaynayso xaaladii ka aloosnayd
deegaamadaas, isaga oo xukuumada ku eedeeyey in ay rabshadaha ka
dambeyso, islamarkaana ay doonayso in xoog diwaangalinta looga
bilaabo deegaanadaas.
Waxaanu xildhibaanku xusay in arintani ay tahay carqalada ay
xukuumadu abuurayso oo ay dan gaar ahi ugu jirto, isaga oo ku
hanjabay in aanay sinaba dhulkaas mulkiyadiisa looga hoos saari
doonin, cudud kasta oo la adeegsaba.
“Dadka deegaanka samirkoodii wuu soo dhamaaday oo muddo badan ayaa
balamo been ah lagu sasabayey, markaa ama ha ku dhintaan ama ha
helaan dhulkaase waa mid ka go’an in ay u halgamaan, waxaana hada la
doonayaa in dad gaar ah lagu sunto oo lagu diwaangaliyo, markaa
xaataa haddii Maraykan iyo Ruush la keeno reer Gabiley dhimasho ayay
ka xigaan in dhulkooda la qaato,” ayuu yidhi Md. Tukaale.
Jamhuuriya Online
|