Madaxda Xaqsoor wa nasiib daro weyn hadii maanta kala gar an la'
yihiin sadexda xisbig qaran ee soo baxay.. UCID maaha xisbi gacan
rimis, kushubasho iyo isxan barku yimid

Waxa runtii maalmahan ba saxaafada iyo warbaahinta ka halacsaneyay
oo an aad iyo aad ula yaabnaa madax ka tirsan ururka Xaqsoor o
tviyada iyo webebka kula hadalaya shacabka JSLand kuna dureya
labadii xisbi iyo ururkii u gudbay xisbiyo qaran kuwaaso ah Kulmiye,
UCID iyo Wadani.
Waxa runtii nasiib daro ah in shacabka somaliland xisbiga UCID
maanta loogu sheego xisbi gacan rimis, kushubasho iyo isxanbaar ku
yimid, wa marag ma doon inu shacabka somaliland og yahay mucaaridada
xalaasha ah ee waxku oolka ah ee xisbiga ucid kushaqeyn jirey
mudadii 10 sanadood aheyd ee u saaxada siyaasada kujirey.
Maanta maaha maalin lagu duri karo ama lagu sheegi karo xisbiga UCID
xisbi gacanta la so qabtey oo la so cugtey, waxa hubaal ah oo uu
qofwal o siyaasada u dhuun daloola ba og yahay in anu marna xisbiga
talada aheya e kulmiye iyo maamulkiisu so xusheen xisbiga UCID.
Lkn somalidu waxay tidhaahda WIILKII INANTAADU KU KEENTO WA NASIIBKA,
ucid waxa keeney wa nasiib iyo awoodii taageerayaashiisa iyo
dadaalkii musharaxiinta iyo madaxda xisbiga qaran ee ucid, taasa ah
xaqiiqda u ku yimid xisbiga ucid kana mid noqday sadexda xisbi qaran
e ku guuleystey talada dalka in ay ka arimiyaan 10 sanadood e soo
socda, viva ucid.
Waxan ka codsaneya ama uga digaya madaxda Xaqsoor e saxaafada iyo
warbaahinta hadalada noocaasa u adeegsaneysa islamarkan caadeystey
in ay bal dib taarikhada u eegan oo ay xisbiga ucid si gaar ah u
eegan taarikhdiisi mucaaridnimo, waana muhiim in ay xisbiyada sida
siyaasadoodu isugu dhawdahay iyo xidhiidhka ka dhexeya isugu
xidhmaan isugu xidhan waxa mooda in ay Wadani iyo UCID kala garan la
yihiin madaxdii Xaqsoor o ay sadexdii xisbi qaran ba ku sheegeen
kuwa isxanbar ku yimid xaasha UCID kuma iman isxanbaar iyo talo
maamul toona, awooda shacabka taageera ayuu ku yimid ucid..
Anagoo runtii ka xun dhibaatooyinka dalkeeni ka dhacday ee
mudahraada leh, dhiig leh, dhaawaca leh, kushubashad leh iyo gacan
ku rimiska leh.. anagoo runtii og intaaso mashkilada ah in maanta
ururka xaqsoor meel walba ka yidhaahdo wa sadex xisbi o gacan rimis
lagu keeney aad iyo aad baanu uga xun nahay...
Waxan xusuusta o an filaya in laga heli doono kedka saxaafada ama
warbaahinta inu ururka Xaqsoor ah ururkii ugu horeyay e hambalyada
iyo bogaadinta u direy komishanka qaranka maalintii ururada la kala
saareyay ama la kala reebayay, Xaqsoor markii uu ka mid noqday
sagaalkii urur iyo xisbi ee tartami doona golaha dagaanka waxay
taageereen islamarka hambalyo iyo bogaadin u direen komishanka
qaranka maalintaasina maalin bey aheyd u gudoomiye Xassan Ciise
Jaamaca hambalyada direyay, waxase maalintaasi gudoomiyaha Xaqsoor
hambalyada direyay cabashooyin iyo mudahrado maxkamada iyo madasha
komishkan ku mudahradeyaan ururadii hadhey.. Waxan leeyahay ururka
xaqsoor iyo madaxdooda ba MAALI WALBA MAAHA CIID ee haddii u
nasiibku idin reebay wa inaad adkeys u lahaatan oo ad danta iyo
nabada iyo sharafta qaranka ad ilaalisan oo ad inaga deysan
rabshadahan dami waayay..
Runtii waxanu aaminsan nahay hadii anu nahay xisbiga qaran ee UCID
in si badheedh ah loogu shubtey codadkii taageerayaasheyda ucid goob
badan, in si badheedh ah loo iibsaday mushraxiinteydii o aduun iyo
darajaba lagu baayacay oo marag ma doon ah, waxanu aaminsanahay in
gobolka maroodi jeex codadkii anu ka helney inta bada la masaxay
suuqan lagu hayo, waxanu aaminsan nahay in anu nahay xisbiga kaliya
e maalin kaliya laga iibsaday 6 musharaxa o runtii anu ka heli leyn
codada badan gobolka Togdheer oo naloogu awood sheegtey in
musharaxiinteydii qiimo gaadheya 30 kun oo doolar lagu iibsaday,
waad ogeydeen in gobolka Saaxiil awood iyo lacag aan xad laheyn lagu
muquuriyay xisbiga UCID, wa goboladii anu fileynay inaanu nambar wan
ka noqon..sida Sheekh iyo Gabiley ba..
Waxan qormadeydan kuso gabagabeynaa oo an leeyahay ururka xaqsoor ee
cabaneya ogaada in ay dhirbaaxadu inagu wada dhacday kuwii hadhey
iyo xisbiga ucid ba midna teelo looma dhigan e yaan madaxda xaqsoor
waxba isdaba dhigin Kulmiye iyo UCID, waxanu nahay o shacabka
somaliland og yihiin in anu toban sanadood ba ahey BISAD IYO JIIR
xisbiga kulmiye, MAANTA SIDII BAANU NAHAY WIXI QARANNIMADA IYO
SHARAFTA SOMALILAND DHAAWACAYA MEEL BAANU UGA SO WADA JEEDSAN DOONA
oo wa in aynu difaacna qaran nimadeena, wixi khaladan e ay ku kacaan
kulmiye marna xisbiga ucid cafi maayo maamulka kulmiye..
Runtiina waanu ka xunahey xaaladaha khariban ee maanta dalkeenu ku
sugan yahay taaso u horseed u yahay maamulkan maanta jira e uu
madaxweynaha ka yahay mudan Axmed Mohamed Siilaanyo..wa nasiib daro
inu maanta dalkeena ka dhaco mudahraado beeleysani wa nasiib daro
inu maanta dalkeena ka dhaco doorasho bilaa diiwaan galin ah o ay
kushubasho isxanbar iyo gacan irimis timaado, wa nasiib daro in
dhalinyaro mudahraadeysa xabad lagu furo, wa nasiib daro in maanta
dimuqradeydii laga durko o qabyaalad loo digo rogto..
Waxanu ka codsaneyna maamulka madaxweyne Siilaanayo inu
cabashooyinka ururada iyo shacabka ba hoos u eego oo anu awood
isticmaalin, awood afweyne aya inagu muquurin kari waayay o aynu
dhidbada u saareyn oo heystey ciidamadii afrika ugu awooda badan,
madaxweyne waxba ha dhayalsan mudahrada iyo cabashooyinka shacabka
kuwaaso wabiyo so rogmaneya noqon kara e waa inaad il gaar ah ku
eegto..
Guul baan u rajeynaya dhamaan shacabka somaliland meel ay joogan ba,
sanad wanaagsan baan idin rajeynaya inu ilaahey inooga dhigo
Omar Darood Hassan
Norway
|