Madaxda Shirkadaha Dahabshiil Iyo SOMTEL Maanta Kulan La Yeeshay Weriyaal Caalami Ah Oo Hargeysa Ku Sugan...
 

Hargeysa (TNN)-Madaxda Shirkadda Xawilaadda iyo Sarifka lacagaha ee Dahabshiil iyo   qaybtee da Is-gaadhsiinta ee Somtel ayaa maanta xarumahooda kusoo dhaweeyey Wariya-yaal caalami ah oo ka kala socday wadamo kala duwan oo ah kuwa ugu caansan dunida.Weriyaashan oo ka  k ala socday Telefiishannada Caalamiga ah ee Al-jaziira, CNN iyo BBC-da iyo qaar kale, ayaa la  soc day waftigii qaadhaan bixiyayaasha caalamigaa ah ee maalmahan booqashada ku jooga dalkan Somaliland.

Maammulaha guud ee shirkaddaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Dahabshiil oo ay  wehe linayaan saraakiil fara badan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Shirkadaha Dahabshiil ayaa  W ariya-yaashaasi caalamiga ah kusoo dhaweeyey xarumaha kala duwan ee Shirkadaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa.

Madaxda kale ee Maareeyaha guud ee Shirkadda Dahabshiil ku wehelinayey soo dhaweynta  We riye-yaashani waxaa ka mid ahaa Maareeyaha Qaybta Xawaaladda iyo Sarifka Lacagaha  Cabdir axmaan Cali Cabdi,Madaxa xidhiidhka dadweynaha Professor Xasan Maxamed Jaamac [Xasan Xiis] Mr Faarax oo ka tirsan madaxda sare ee somtel iyo saraakiil kale oo fara badan.


Weriye-yaashan caalamaiga ah ayaa ugu horayn kormeerkooda ka bilaabay qaybta Xawaalada iyo Sarifka lacagta ee Gargaar waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Maareeyaha guud ee  Shirka daha Dahabsiil C/rashiid Maxamed Siciid Ducaale, waxaanu wafdigan Wariye-yaasha caalamiga ah war bixin iyo tafaasiil ka siiyay guud ahaanba Shirkadaha Dahabshiil gaar ahaan qaybteeda Xawaaladda iyo Sarifka lacagaha iyo inta qaybood ee ay u kala baxdo.

Intaasi ka dib Wafdigan Wariye-yaasha caalamiga ah waxa ay codsadeen in lasoo tuso qaybta kale ee Shirkadda Is-gaadhsiinta ee Somtel si ay u soo indha-indheeyaan qaabka shaqo ee  Shir kadda Somtel iyo inay ka helaan warbixino dheeraad ah guud ahaan Shirkadaha  Dahabshiil,wax aana halkaa ku soo dhaweeyey Isla Maamulaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil iyo saraakiisha kala duwan ee qaybaha Shirkadahaasi.

Waxaanay Wariya-yaashaasi soo indho indhayntooda ku soo gaba –gabeeyeen kulan badhaalan oo lagu qabtay dabaqa sare ee Hoolka shirarka Shirkadda Somtel,waxaanay Wariya-yaashu  hal kaa ku waydiiyeen Maamulaha guud ee Shirkada Dahabsiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale

Weriye-yaashan ka socday Telefishadan calamiga ah ayaa waxay su’aalo waydiiyeen  masuuliy iinta Shirkadan Dahabshiil, Su’aalihii ay waydiiyeen maamulaha Dahabshiil waxaa ka ka mid ahaa taariikhda dheer ee Shirkadaha Dahabshiil iyo goortii la Aas-aasay iyo adeegyada kala duwan ee ay shirkadan Dahabshiil qabato, waxaa kale oo ay weriye-yaashani wax ka waydiiyeen xaruntii ugu horeysay ee shirkaddaasi ay furato iyo wakhtigii ay fureen.waxaanu maamulaha shirkadda Dahabshiil sheegay in shirkaddaha Dahabshiil xaruntii ugu horaysay la Aas-aasay muddo haatan laga joogo 40 sanadood, meeshii ugu horeysay ee laga furayna ay ahayd magaalada Burco ee xarunta gobalkaTogdheer “Shirkadaha Dahasbiil waxaa la Aas aasay 40 sano muddo haatan laga joogo, waxaanay shaqada Shirkaddu markii hore ku bilaabantay Dukaan weyn oo uu Aababay ku lahaa magaalada Burco” ayuu yidhi maamulaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Waxaa kale oo ay wariye-yaashu waydiiyeen inta dal ee ay ka shaqayso iyo Inta xarumood ee ay leeyihiin dalka maraykanka iyo dalalka ku yaala Afrika, iyo sida ay lacagaha ay xawilayaan ay dadka ugu fududeeyaan marka ay eheladoodu uga soo dirayaan wadamada kaladuwan ee  daaf aha caalamka. “waxaanu dalka maraykanka ku leenahay 13 xarumood oo ku kala yaala 53 state ee dalka Maraykanku ka koobanyahay, Dalalka Afrikana waxaanu xafiisyo ku leenahay  Itoobi ya,Kenya,Tanzaniya,South Africa,Uganda iyo kuwo kale,waxaa kale oo aanu xafiisyo ku leenahay dhamaanba dalalka carabta” ayuu yidhi maamulaha guud ee shirkadaha dahabshiil.
.
Waxaa kale oo uu sheegay inay qoflka loo soo diray lacagta ee Dahabsiil loo soo dhigay uu ku  he layo waxkayar 5 daqiiqo isla markaana ay gacan aamin ah ku jiraan lacagaha ay dadku  dhiganay aan Baanka Dabahsiil.


Waxa kale oo ay weriye-yaashani waydiiyeen sida ay ula macaamilaan Hay’adaha UN-ka iyo  ku wa kale ee samafalka ahi ka Dahabshiil ahaan,isaga oo sheegay inay si fiican ula macaamilaan dhamaan Hay’adaha dalka jooga ee kaladuwani isla markaana ay aaminsan yihiin shaqada fiican ee Baanka Dahabshiil lacagahoodana ay dhigtaan kana qaataan Baanka Shirkadda Dahabshiil.


Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Network
Hargeisa/Somaliland