Madaxda Africa oo Kampala Ku sugan

Kampala (TNN)-Hoggaamiyayaasha Africa ayaa magaalada Kampala uga
qeybgalaya shir ma daxeedka midowga Africa. Madaxweyne Shariif
ayaa ka mid madaxdaasi Xukuumadda Ugan da ayaa adkaysay
amaanka caasimadooda Kampala. Ciidamada Boliiska ayaa la dhigay
dham aan waddooyinka magaalada Kampala.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Uganda Okello Oryem ayaa sheegey in
talaabooyin adag ay q aadeen kuwasoo ay ku adkeynayaan
ammaanka iyo wafuuda kala duwan ee shirka ka qeyb galaysa.
Shirka ayaa axadda si rasmi ah u furmi doona. Shirkan ayaa ku soo
beegmaya laba toddoba ad kadib markii ay qaraxyo ka dhaceen
magaalada Kampala kuwaasoo ay ku dhinteen 76 qof.
Kooxda Al-shabab ayaa sheegatey mas’uuliyadda qaraxyadaas waxayna
sheegeen in ay ja waab u ahaayeen howlaha ay ciidamada Uganda
ee AMISOM ka wadaan Mogadishu.
Xaaladda Somalia ayaa la filayaa inay hadhayso qoddoba shirkan looga
hadlayo. Golaha was iirrada Midowga Afrika ayaa shirarkii ay
lahaayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay ka d oodday sidii
ciidamo loogu diri lahaa Somalia. Guinea iyo Djibouti ayaa yaboohay
inay ciidamo u diraan Somalia.
Waddamo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan Guinea iyo Djibouti ayaa
sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamo u diraan Somalia.
Madaxda Africa ayaa xoogga saari doona sidii ciidamo gaadhaya 20 kun
oo askari loogu diri lahaa Somalia si ay gacan u siiyaan dowladda
Somalia.
Source:VOA
|