WAR SAXAAFADEED

 


Hargeysa (TNN)-Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdir axmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ,waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, Eheladii iyo Shacbi ga reer Jabuuti,  isaga oo ka tacsiyadaynaya Geerida ku timid MARXUUM SICIID CABDILAAHI AXMED  ( NAALA-TUUR ) , oo ahaa Ganacsade wayn oo ka mid ahaa Ganacsatada Jamhuuriyada Jabuuti.

Marxuumka oo qayb weyn ka soo Qaatay madaxbanaanidii iyo Xornimadii Jabuuti waxa kale oo uu qa yb weyn ka soo qaatay Marxuumku Halgankii SNM ee lagu baadi goobayey dib u soo noolaynta Mada xbanaanidii, iyo Qaranimada Somaliland.

Marxuumka oo ku geeriyooday Wadanka Yaman laguna aasay maanta oo Axad ah (24/04/2011), Dal ka Jabuuti, Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, waxa uu marxuumka  ALLE uga baryayaa in uu Naxariistii Janno ka Waraabiyo Qoyskii, Ehelkii, iyo Dhamaan Shacbigii uu ka baxayna uu samar iyo Iimaanka siiyo.
 


INAA ILLAAHI WA INNAA ILLAAHI RAAJUCUUN

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.