Madaxa Inter Peace U qaabilsan Bariga iyo Badh tamaha Afrika oo dalka yimid

 

Muranka iyo khilaafka Siyaasadeed ee wakhtigan xaadirka ah ka taagan Somalilanda, ayaa cirka isku shareeray, ka dib mrkii ay maalintii Sabtidii ee 28-kii bishii March 2009 ay Golaha Guurtidu kordhiyeen xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa muddo lix bilood ah, halkii ay kaga ekayd muddada xilku 6-da April, balse ay dib uga sii rareen Guurtidu illaa iyo 29-ka September 2009, taasoo keentay inay laban-laabanto Xiisaddii siyaasadeed ee dalka ka taagnayd, lagana dayriyo geedi-socodkii dimuquraadiyadeed ee ay Somaliland ku taamaysay. Iyada oo dadka intooda badan iyo Deeq-bixiyayaasha dhinaca kharashaadka doorashooyinka ka caawiya Somaliland iyo cid kasta oo danaysa arrimaha dimuquraadiyadda Somaliland ay u arkeen kordhinta mudada lixda bilood ah mid muujinaysa rejo-xumo, soona afjarayso hanaankii geedi-socodka dimuquraadiyadda.

Haddaba, iyada oo kordhintan lixda bilood ah ee Golaha Guurtidu sameeyeen tahay mid u cuntami wayday guud ahaanba shacabka Somaliland intooda badan, Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID iyo dawladaha daneeya arrimaha Somaliland, ayaa inta aanay gaadhin 6-da bisha April, oo ay muddadii xilka Madaxweynah iyo Ku-xigeenkiisu ku egtahay, waxa lagu jiraa dedaallo badan oo xal lagaga gaadhayo arrintaas, si aan xaaladdu faraha uga bixin, loona heli lahaa wax lagu wada heshiis yahay.

Waxaana dalka yimi Mr. Jery oo ah Masuulka Hay'adda Inter Peace u qaabilsan Barriga iyo Badhtamaha Afrika, ujeedada soccdaalkiisan ayaa la xidhiidha, sababaha keenay dib u dhaca ku yimi doorashooyinkii Somaliland, oo ay hirgelintooda Masuul ka tahay Hay'adooda Inter Peace.

Mr. Jery oo imika muddo laba maalmood ah dalka joogay, ayaa la sheegay baadhitaano fara badan oo uu sameeyay ka dib, inuu ogaaday in halka sartu ka qudhunsan tahay ay tahay Hay'adda Inter Peace, oo masuuliyiintoodii Somaliland u qaabilsanaa gudan kari waayeen xilkoodii. Waxaanu Mr. Jery xalay Shaqada ka joojiyay, Mr. Zamora oo ahaa Masuulka Xafiiska Hay'adda Inter Peace ee Somaliland. Kaasi oo galabta dalka ka dhoofay.

Dhinaca kale, waxa la sheegay in uu Jery kulamo gooni-gooni ah la yeeshay, Komishanka doorashooyinka, Saddexda Xisbi Qaran, Xukuumadda iyo Shurgudoonka Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada. Iyada oo ay illo u dhuun-daloola kulamadaasi noo xaqiijiyeen, in Mr. Jery kala hadlay dhinacyada kala duwan sidii loo badbaadin lahaa geedi-socodkii ay Somaliland dimuquraadiyadda ugu jirtay.

Sidoo kale, waxay ilahaasi Radiohormuud xaqiijiyeen, in Jery u bandhigay dhinacyada kala duwan ee uu kulamada la yeeshay jadwalka rasmiga ah ee ay Hay'addiisa iyo wadamada Deeq-bixiyayaashu u qoondeeyeen in lagu qabteen doorashada Madaxtooyada, kaasi oo la sheegay inuu yahay wiiga ugu horeeya bisha July 2009.

Geba-gabadii, waxay dad xogogaal u ah kulmadaasi noo xaqiijiyeen, in Mr. Jery uu ku gacansaydhay in muddo lix bilood ah ay doorashadu dib u dhacdo, kuna wargeliyay dhinacyadii uu la kulmay inaanay taasi ahayn mid marnaba ay aqbali karaan wadamadii ahaa deeq-bixiyayaasha ee doorashooyinka Somaliland ka caawiyay oo ay hay'addiisu wakiil u tahay, kuna soo hagaajiyaan Dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka iyo hawl-maalmeedyada shaqo ee Komishanku qabto, Waxaana la sheegay in dhinacyadii kala duwanaa ee Mr. Jery kulamada la yeeshay ay intooda badani soo dhaweeyeen wakhtiga rasmiga ah ee uu u soo bandhigay in doorashada lagu qabto.

Sida warar xogogaal ah oo uu Radiohormuud helay sheegayaan arinkan wakhtiga cusub ee doorashada loo cayimay ayaa u eeg mid kama dambays ah.

kala soco wixii arinkan ka soo kordha Radiohormuud oo heegan u ah helida warar sugan oo daray ah.
 

 

 


Radiohormuud