Madax-dhaqameed Loo Xidh Xidhay Falkii Dablaydu Ku Weerartay Goobtii Diwaangalinta Ee Sabawanaag

 


 


Hargeysa (TNN) :-Inta la og yahaylaba askari iyo hal qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shaqaaq o 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ka dhacday goob ay ka socotay diiwaangelinta codbixiyay aasha oo ku taal deegaanka Hadayta oo hoostimaada degmada Lughaya ee Gobolka Awdal. Shaqaaqadan ayaa timi kadib markii ay dablay hubaysan oo la weriyey in kooxo madax dhaqam eed ahi soo abaabuleen ay weerar ku qaadeen goobtan isla markaana hakad geliyeen hab sami u socodkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo halkaasi ka socotay.


Maxaa Sababay, sidee ayayse wax u dhaceen?


Sida uu sheegay maayarka degmadaas Cabdillaahi Cali Aw Nuur Dixood oo shalay ka warramay sida wax u dhaceen, ayaa sheegay in duhurnimadii shalay ay dabley hubaysan oo wadata shan baabuur ay weerar ku qaadeen halkaasi halkaasna ay ka qaateen agabkii diiwaangelinta. "sanduuqii diiwaangelinta ee halkaasi yaalay ayaa manta [shalay] 12:30-kii la weeraray xabado ayay rideen dablaydii baabuurta saarnayd oo ay dadkii ku kala eryeen, askartii amniga sugays ayna waqti ay qadaynayeen bay ahayd oo ay qoryaha xaraysteen, xabadihii ay ridayeen waxa ay dhaawacyo gaadhsiiyeen baabuurtii meesha sii joogtay oo laba ka mid ahi ay goobta u sha qa ynayeen, qalabkii diiwaangelintana way qaateen, wax khasaare ahi ma dhicin marka laga ree bo hal askari oo xabadi dhaawacday” ayuu yidhi maayarka degmadaasi.


Madax dhaqameed loo xidh-xidhay iyo kuwo ku dhaawacmay


Wararkii u dembeeyey ee xaalladaasi la xidhiidha ayaa wargeyska Hubaal u xaqiijiyey in dhacda daas shalay kadib ay ciidammada ammaanku xalay fiidkii gacanta ku soo dhigeen Suldaan Maw liid Cali Sabayse oo loo tirinayo in isaga iyo xubno kale ay shaqaaqada weerarkaasi dabada ka riixayeen, waxaana suldaanka iyo saddex xubnood oo la socday lagu soo qabtay deegaanka Ce el-la-helay ee waqooyiga Hargeysa halkaasi oo ay ku sugnaayeen. Sidaasi si la mid ah waxaa isaga degmada Bullaxaar lagu soo qabtay Jiif caaqil Cabdiraxmaan Xasan xoore iyo laba xubnoo d oo la socday, waxaana dhammaantooda madax dhaqameedkaas loo soo dhaadhiciyey dhinaca Hargeysa oo xabsiga loo taxaabay, waxaa sidoo kalena ay ciidammadu ku daba jiraan Suldaan Ibraahin Sul. Sulub Nuur oo isagana wararkii u dembeeyey sheegayaan in aan gacanta lagu dhi gin. Si kastoo ay tahayba waxaa warku sheegayaa in hal qof oo dhinaca dablayda ah iyo laba askari oo ciidammadii ammaanka goobta diiwaangelinta ilaalinayayba ay dhaawacmeen.

Wararkii u dembeeyey ee xalay saacadihii dembe kazoo baxay hawlgalkan ayaa Wargeyska Hub aal u sheegay in si loo sugo amniga deegaanka isla markaana gacanta loogu dhigo dablayda hu bsaysan ee weerarka shalay qaaday ay ciidammada ammaanku heegan buuxa ka galeen dham maanba waddooyinka Hargeysa kazoo gala jihada waqooyi halkaasi oo kantaroollada waddooyi nkaasi ay ciidammadu si buuxda u baadhayaan cidda soo galaysa iyo cidda ka baxaysaba, waxa ana saraakiisha ammaanku ay tallaabadan u dembeysay ku sababeeyeen in ay uga gol leeyihiin in gacanta lagu dhigo suldaanka lagu daba jiro raacdadiisa iyo shuftadii kale ee weerarka fadha tada huwan ku qaaday deegaankaasi gacanta loogu dhigo.


Komishanka Doorashooyinka oo arrintan ka hadlay

Komishanka doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay xalay ku qabteen xaruntooda magaaladda Hargeysa, waxay ku baaqeen in sharciga la horkeeno koox dabley ah oo weerartay goob diiwaan-gelineed oo ku taalla jiida Sabo-wanaag ee gobolka Aw dal.

Komishanka doorashooyinku waxay sheegeen inay kooxdaasi ay qaateen agabkii diiwaan-gelin ta isla markaana ay waxyeelo u geysteen shaqaalihii goobtaas ummadda ugu adeegayay. "Goo btaas waxa soo weeraray niman hubaysan oo watay gaadiid, goobtaa diwaan-gelinta cod bixi yeyaashu ka socotay waxay ka qaateen agabkii yaallay shaqaalihii goobtana waxyeelo ayay u gaysteen, waxaanu fal-dambiyeedkan ku war-gelinay dawladda oo iyaduna ku dabo jirta waxna ka qabatay fal-dambiyeedka nimankii geystayna badhna way haysaa, badhna way ku dabo jir taa. Waxaanu idiinku yeedhnay (Saxaafadda) inaanu idinku war-gelino inay falkani ka dhacay deegaanka Sabo-wanaag,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ay qalab cusub goobtii la weeraray geeyeen,isla markaan a ay sideedii u shaqeyn doonto."Falkani markii uu dhacay waanu ka tabaabushaysanay, waxaa nu u diyaarinay qalab cusub oo goobtii la geeyay. Waxaanu dadweynaha ku wargelinaynaa in goobtii ay sideedii u shaqeynayso oo labada maalmood ee hadhay ay sii shaqeyn doonto,”ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay "K omishan ahaan waxaanu cambaareynaynaa fal dambiyeed kasta oo loo geysto goobaha diiwaa n-gelintu ka socoto iyo shaqaalaha sida hawl-karnimada ah u wada hawshaas qaran ee diiwa an-gelinta codbixiyeyaasha. Waxaanu dawladda iyo shacbigaba ugu baaqaynaa in fal-dambiyee dkaas foosha xun nimankii geystay gacanta lagu soo dhigo.”

Cabdiqaadir Iimaan waxa uu dadweynaha gobolka Awdal ku bogaadiyay siday ugu diyaar garo obeen ee ay ugu soo baxeen diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo uu ku tilmaamay shaqo qaran oo muhiim ah.




Source: Hubaal