Madasxweynaheenu ma gayo cey iyo aflagaado midna wa in ay nu ku
ridna oo kursiga kaga tuurna cod iyo siyaasad hufan.. milgaha iyo
dhaqanka wanaagsan yaan laga tagin..

Waxan maanta qormadeydan gaaba
ugu talo galey digniin markii dareemay in abwaanadeeni, saxaafadeeni,
warbaahinteeni iyo Fanaanteeni ba marxalada xun marayaan oo ad moodo
in ay siyaasadii kuso biireen iyago qeybsan una qeybsan hab qabiil
loo so adegsanayo suugaantii, Fanaanta, abwaanada iyo warbaahintu ba
wa macalimintii shacabka marwalba ku wacyi galin laheyd horumarka
iyo qarannimada somaliland.. wa lafdhabatii bulshada dariiqa toosan
ku hagi laheyd waa nasiib daro haddii fanaaniintii, abwaanadii iyo
warbaahintu ba inaga waalato..
Waxad maalmaha ba saxaafada iyo warbaahinta laga daawaneyay ama laga
aakhrisneyay fanaanii iyo abwaano suugaan iyo heeso axanaf badan
tirineya oo ad ka yaqyaqsooneyso, waxaan dhageystey kuwo
madaxweynaheena cey iyo falagaado warbaahinta u so marineya, kuwo ad
ka yaabeyso sida xun ee ay suugaantii u adeegsaneyaan suugaan xumada
ay u adeegsaneyaan, waxan haddaba u sheegayaa qeybaha an kor kuso
sheegay runtii ma geyo madaxweynaheenu in aynu suugaan ku ceyno oo
aynu waliba si xun ugu talax tagno..
Waxan runtii taageersan nahay anigoo ah mucaarid kana mid ah
axsaabta mucaaridka ah in aynu cod iyo siyaasada hufan kursiga uga
tuurno madaxweyne Siilaanayo iyo kooxdiisa, maaha in aynu cey iyo
aflagaado iyo xoog isticmaalno..habkii u ku yimid hab ka duwan in
aynu adeegsano maaha xabad iyo xoog kumu iman cod bu ku yimid waa in
aynu codkii u ku yimid codkiisi ku ridna haddii kale milgihii
dawladnimo iyo sharaftii iyo karaamadii ba inaga lumeysa dhaqan ka
aynu u laheyn..
Sabata qormadan igu kaliftey in an so qoro wa suugaan hooyo
somaliland landihi u tirisay madaxweynaheena oo an aad iyo aad uga
xumaaday eryada iyo suugaanta ay adeegsaneyso o runtii an dareemey
in eynu marxalad xun mareyno maadaama sida suuganta loogu dureyo
madaxweynaheena..
Waxan haddaba aad iyo aad uga xumahay
suugan khariban iyo
waxaan afka la so marin karin oo
shabakada hadhwanaag
la so dhigay laguna sheegay
hooyo gabyaysa, maantana xaaladeeni
waxay mareysa in suugaanta intii ugu xumeyd
la isku adeegsado, heeso xanaf badan
lagu heeso.. madaxweynaha iyo dawladiisa in aynu iska waabina
wa waajib lkn in aynu suugaan ku ceyno o waxwalba ku hadalna ma
wanaagsan madaxweynaheenuna inagama mudna iyo marwadiisu in aynu
sida suugaanta ugu ceyno..waxbadan ba ha in aynu xeerino suugaanta
oo aynu madaxweynaheena ku ceyna wa ceeb.. waxan ka codsanaya qolada
shabakada hadhawaanga oo an qadarin iyo sharaf iyo karaamo u hayo in
ay ka ilaaliso shabakada wixi sharafteeda wax u qimeysa..
suugaantaasi an caawa ku arkeyna laga saaro ee ay gabadhu tirineyso...
Waxan qormadeydan kuso gabgabeynayaa xaalada meel adag bey mareysa
ceyda iyo aflagaada ha la yareyo oo wixi macquul ah suugaanta iyo
warbaahinta ha loo adeegsanado, fanaaniita iyo abwaanaduna wa in ay
bulshada dhexdhexaad u noqdan oo ay sharaftooda dhawrsan daan, CEYDU
WA CALYO O QOFNA UMA WANAAGSAN INU QOFKA KALE CAAYO..
Somaliland guul
Omar Darood Hassan
NORWAY
|