Madaarka Burco oo Muddo Sannad u Xidhan Sababo aan la Ogayn

 

Madaarka caasimadda labaad ee Somaliland ee Burco, ayaa muddo san nad ku dhow u xidhan sababo aan si cad loo ogayn oo lagaga xarrimay in wax diyaarad ah ka degaan.


Diyaaradihii fadhiisan jiray madaarka Burco, ayaa loo wareejiyey  dhina ca magaalada Hargeysa, halkaas oo rakaabka reer Togdheer lagaga soo guro basas, halka qaarkoodna iskood u raacaan gaadiidka kirada ah.


Ma jirto cillad amma dhibaato ka jirta madaarka Burco oo sababtay in aanay diyaaraduhu fadhiisan karin, haseyeeshee dadweynaha Burco ayaa xukuumadda ku eedeeyay masuuliyadda xadhigga madaarka  Bur co oo ah caasimadda labaad ee dalka, maadaama laga joojiyey duullima adyadii diyaaradaha.


Waxa kale oo dadweynaha Burco si weyn uga xumaaday, kuna  tilmaam ay masuuliyad-darro hadal dhowaan ka soo yeedhay wasiir  Waranca dde, laguna faafiyay saxaafadda, kaasoo uu ku sheegay in dadweynaha reer Togdheer camiraan madaarkooda si diyaaraduhu u tagaan,  waxan a hadalkaas loo fasirtay in wasiirku tilmaamay in aanay jirin rakaab reer Togdheer ah oo raaca diyaaradaha.


Aqoonyahan ka iyo waxgaradka reer Burco, ayaa sheegay in  xidhitaa nka madaarka Burco ka mid tahay arrimihii loo bandhigay Madaxweyne Rayaale inuu wax ka qabto safarkiisii ugu dambeeyey Burco, balse  aan nu soo hadal-qaadin qorshahaas oo uu ka aamusay, waxaanay  waxgar a dkaasi ugu baaqeen xukuumadda in sida ugu dhakhsaha badan u  furt o nadaarka Burco, haddii kalena si rasmi ah ugu dhawaaqdo inay xidhay.


Wasiirka duulista hawada Md. Cali Maxamed Warancadde ayaa  muddoo yinkii u horreysay ee uu xilka wasaaraddaas la wareegay sheegay inuu madaarka Burco ku samayn doono dib-u-dhis iyo dayactir, balse waxba ka hirgalin arrintaas.


Madaarka Burco waxa ka hawlgali jiray shaqaale gaadhaya ilaa lixdan  x ubnood, waxana diyaaraduhu soo caga dhigan jireen afar casho ugu  y a raan toddobaadkii, haddase wuxuu noqday goob carruurtu ku ciyaaraan kubadda, laguna barto wadista gaadiidka.






Jamhuuriya Online